Sergio Aguero, Victor Moses Iyo Gylfi Sigurdsson Oo Hogaaminaya Liiska Xidigaha U Tartamaya Xidiga Bisha EPL

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Sky Sports ayaa daabacday liiska xidigaha u sharaxan abaalmarinta xidiga bisha horyaalka ingiriiska ee PFA Player Of The Month ee bishaan dhamaadka ah ee November.

Xidiga Manchester City weerarka kaga ciyaara ee Sergio Aguero ayaa dagaal ba’an kala kulmaya daafaca midig ee Chelsea ee Victor Moses iyo xidiga kubada u sameeya Swansea ee Gylfi Sigurdsson.

skysports-pfa-fans-vote_3842461

Sidoo kale xidigahaan waxaa abaalmarintaan kula baratami doona xidigah soo rogaalka celiyay ee Sunderland ee Victor Anichebe, garabka West Brom Matt Phillips iyo xidiga Kooxda Watford ee Nordin Amrabat.

Codadkii ilaa haatan ay qaadeen waxaa uGu cad cad xidiga Kooxda Chelsea ee Victor Moses oo helay 47 boqolkiiba codadka waxaana uGu soo dhaw xidiga Swansea Gylfi Sigurdsson oo wata 16 boqolkiiba codadka la dhiibtay.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. abdisamed 29-11-2016 at 10:18 pm - Reply

    victor mosses ayaan siinayaa codkeyga haddii aan awoodo iyo haddii kaleba.
    viiiva maroodiga chelsea victor mosses

Leave A Response