Sergio Aguero Oo Sabab Xiiso Leh Taageero Ugu Noqday Liverpool Waqtigiisii Argentina & Xiddiga Uu Xiiseyn Jiray.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday inuu waqtigiisii Argentina taageero ba’an u ahaa Liverpool, xilli fasal ciyaareedkaan la hadal hayo in kooxdiisa iyo Reds ay yahiin labada kooxood ee ku loolamaya horyaalka Premier League.

Citizens waxey maanta la ciyaari doontaa Fulham kulan ka tirsan horyaalka, Sergio ayaana doonaya inuu kooxdiisa caawiyo si ay tartanka horyaalka safka hore uga ahaato iyadoo la ogsoon yahay inuu yahay kan ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

30-jirkaan wuxuu saxaafadda la wadaagay inuu taageero weyn u ahaa Liverpool, sidoo kalana uu aad u xushmeyn jiray mid ka mid ah halyeeyada Reds ee waqtigaas loogu jeclaa Anfield.

“Marka aan wiilka yar ahaa waxaan jeclaa Liverpool sababtoo ah waxaan u ciyaarayay kooxda Independiente oo sidoo kale kalarkeeda uu ahaa guduud” ayuu yiri Aguero.

“Waqtigaas waxaa i niyad galin jiray Michael Owen”

Sergio Aguero wuxuu ku sugan yahay kooxda Citizens sideed xilli ciyaareed 204 gool ayuu shabaqa la helay isagoo saftay 297 kulan.