Sergio Aguero Oo Ka Sheekeeyay Shilkii Gaari Ee Uu Ku Dhaawacmay: “Suunka Gaariga Ayaa Badbaadiyay Nolosheyda”

by Saed Balaleti | Friday, Oct 13, 2017

Sergio Aguero ayaa ka hadlay sida uu ku badbaaday shilkii gaari ee uu ku galay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Weeraryahanka Manchester City ayaa xirtay suunka gaariga oo uu aaminsan yahay inay noloshiisa badbaadisay markii uu taksigii uu ku safrayay uu shil galay 29kii bishii September.

Aguero ayaa feer ay ka jabtay, waxaana la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo lix isbuuc ah.

Inkastoo uu tababar durbaba ku soo laabtay islamarkaana la filayo inuu kursiga keydka soo fariisto kulanka ay isbuuca soo socda la ciyaarayaan Stoke, laakiin waxa uu sheegay inuu ka mahdinayo inuu nool yahay.

Xiddiga reer Argentina ayaa yiri: “Markii aan tagay cusbitalka, waxaana weydiiyay dhakhtarka haddii aan u ciyaari karo City Sabtida [kulankii Chelsea].

“Waxa uu igu yiri, ‘uma maleynayo ‘.

“Dib ayaan isagu noqday, waxaana ogaaday in suunkii aan xirnaa inuu ugu wacan yahay inaan maanta ka hadlayo dhacdadaan.”

Taksigii uu saarnaa 29 jirkaan ayaa wadada ka baxay waxaana uu ku dhacy tabeelo wadada surnaa intii uu ku socday garoonka diyaaradaha ee Amsterdam.

Aguero aabihiis ayaa hore u sheegay in sida wiilkiisa uu ugu walwalsanaa xawaaraha uu taksiilaha ku kaxeynayay gaariga inay keentay inuu xirto suunka ilibiriqsiyo ka hor inta aysan shilka gelin.

Ciyaaryahanka ayaa Amsterdam joogay isagoo marti u ahaa heesaaga reer Colombia Maluma kaasoo uu soo daawaday bandhig faneedkiisa ka hor inta uusan taksi u qaadanin garoonka diyaaradaha si uu dib ugu laabto Manchester.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments