Sawirro: Taageere Celtic Ah Oo Isku Dayay Inuu Haraantiyo Kylian Mbappe Isagoo Soo Dhexgalay Garoonka Kulankii Champions League Ee Xalayto

by Saed Balaleti | Wednesday, Sep 13, 2017

Taageere Celtic ah ayaa soo dhex galay garoonka intii ay socotay ciyaartii Champions League ee u dhaxeysay kooxdiisa iyo Paris Saint-Germain, waxaana uu isku dayay inuu haraantiyo weeraryahanka PSG Kylian Mbappe.

Markii ay dhacdadaan dhaceysay waxaa kooxda Faransiiska hogaanka u sii dheereeyay Edinson Cavani oo dhaliyay goolka seddexaad dhamaadkii qeybta hore, markii taageeraha martida loo ahaa uu ku soo dhex cararay garoonka.

Waxa uu u soo cararay dhanka Mbappe kaasoo u dabaaldegayay goolka Cavani, taageeraha ayaa markaas isku dayay inuu haraantiyo Mbappe.

Nasiib wanaag, waa uu seegay.

Waqti dheer ma aysan qaadanin in ilaaliyayaasha garoonka Celtic Park inay gacanta ku dhigaan taageerahaan iyagoo ka saaray garoonka.

Mbappe ayaa dhaliyay goolkii labaad ee PSG ee ciyaartii Glasgow ka dhacday isagoo ka caawiyay kooxdiisa guusha weyn ee ay ka gaareen Celtic.

PSG ayaana aakhirkii ku badisay 5-0 iyadoo Neymar iyo Mbappe ay goolasha fureen, ka dib waxaa labo gool dhaliyay Edison Cavani iyadoo ay u dhaxeysay gool uu iska dhaliyay Mikael Lustig.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments