Sawirro: Kubada Lagu Ciyaari Doono Waqtiga Qaboobaha Ee Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyay

by Saed Balaleti | Friday, Oct 13, 2017

Kubada lagu ciyaari doono waqtiga qaboobaha ee horyaalka Premier League ayaa shaaca laga qaaday.

Marka saacada ay isbedesho 29ka bisha October, kooxaha ugu sareeya ayaa ku ciyaari doonaa kubadan cusub ee midabka furan leh.

Kubada waxaa sameysay shirkada Nike waxaana la yiraahdaa Ordem V waxaana qiimahooda uu gaaraya 100 ginni. Taageerayaasha ayaa ku iibsan kara kubad minguuris ah 22 ginni.

Horyaalada La Liga iyo Serie A ayaa iygana kubad la mid ah ku ciyaari doona bilaha lagu jiro qaboobaha si kubada looga dhex arko barafka mararka qaar qariya garoomada.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxaha Premier League ay durbaba dalbadeen kubadahaan si ay tababar ugu sii sameeyaan ka hor inta aan la bilaabin in lagu ciyaaro isbuucyada soo socda.

Kubada waa mid hurdi ah, waxaana ay naqshada la mid tahay sida kubada cadaanka ah ee haatan lagu ciyaaro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments