SAWIRO: Tiemoué Bakayoko Oo Maanta Booqday Xarunta Tababarka Kooxdiisa Chelsea Ee Cobham, Isaga Oo Gacan Qaaday Saaxiibadiis Cusub.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Laacibka dhawaan galka ah ee kooxda Chelsea Tiemoué Bakayoko ayaa wuxuu booqday xerada tababarka kooxda Blues maanta oo isniin ah, kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in la dhameystiray saxiixa uu kaga mid noqonayo safka kooxda reer London ee Chelsea, kadib markii uu kaga soo biiray dhigooda Monaco.

Wargeyska “The Sun” ayaa wuxuu soo daabacay sawirka Tiemoué Bakayoko oo 22 jir ah oo booqasha ku jooga xerada tababarka kooxda Chelsea Cobham, isaga oo gacan qaaday dhoowr xidig ee ah saxiibadiis cusub ee kooxda Chelsea.

Tiemoué Bakayoko ayaan u soo xaadirin xerada tababarka ee Cobham inuu ku qaato tababarkiisii ugu horeeyay ee kooxda Chelsea, maadaama uusan wali kasoo kaban dhawaac soo gaadhay xiligii uu ku sugnaa kooxda Monaco dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu kulan la qaatay xidigaha kooxdiisa cusub ee Blues, si ay si dhakhso ah ula qabsadaan.

Laacibkan reer france ayaa wuxuu kusoo caga dhigtay safka kooxda Chelsea aduun dhan 40 million pounds, isaga oo kulankii sabtida ay kooxdiisa Chelsea ku xaaqday dhigeeda Fulham 8-2 ka daawaday tarbuunka.

Si kastaba Tiemoué Bakayoko ayaa noqday laacibkii saddexaad ee soo caga dhigta safka kooxda Chelsea suuqan xagaaga, kadib markii ay Blues ka hortiis ay lasoo saxiixatay daafaca kooxda Roma Antonio Rüdiger oo ay kula soo wareegtay aduun dhan 35 million pounds, iyo sidoo kale goolhaayaha reer Argantina Willy Caballero oo isna kaga soo biiray safka kooxda Manchester City.

Tiemoué Bakayoko ayaa isku diyaarinaya in uu waayihiisa ciyaareed ee cusub uu ka bilawdo horyaaalka Premier Leaque-ga kadib markii uu kooxdiisii hore ee Monaco uu ka soo caawiyay in ay markii ugu horaysay ku soo guulaystay koobka horyaalka France muddo 17 sano ah.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments