Sawiro: Sidee Ayey Monaco Ugu Dabaal Dagtay Hanashada Horyaalka Faransiiska Kadib Guushii Xalay Ee St Etienne

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

As Monaco ayaa soo afjartay abaar baahsan oo ka heysatay ku guuleysiga horyaalka faransiiska kadib guushii ay ka gaartay St Etienne kulankii xalay dhacay.

Kooxda uu hogaamiyo Leanardo Jardim ayaa xaqiijisay hanashada horyaalka madama iyadoo u baahan hal dhibic ay guul gaartay 92-dhibcood ayey tiigsatay iyadoo 6-dhibcood ka sareysa Paris Saint Germain oo kusoo xigtay.

1999/2000 ayaa ugu dambeysay As Monaco iney ku guuleysato horyaalka faransiiska, balse haatan Falcao iyo Mbappe ayaa ka saaciday iney kooxda hesho guushaan kuwaas oo 36-gool ka dhaliyay horyaalka faransiiska.

Gurigeeda ayaa lagu gudoonsiiyay horyaalka faransiiska kabtan Radamel Falcao ayaana kor u qaaday horyaalka isagoo iska dhaqay ceeb sanadahii dambe kusoo gaartay horyaaka Premier League.

DABAAL DAGGA AS MONACO EE HORYAALKA

 

 

 

 

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments