Sawiro: Sidee Ayey Juventus Ugu Dabaal Dagtay Hanashada Coppa Italia Kadib Guushii Ay Ka Gaartay Lazio.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Juventus ayaa ku guuleysatay Coppa Italia markii sadexaad oo xiriir ah kadib guushii ay garoonka Olympico Stadium kaga gaareen Lazio ciyaar ku dhamaatay 2-0.

Dani Alves iyo Leanardo Bonucci ayaa laba gool soo taabsiiyay shabaqa Lazioq eybtii hore ciyaarta taasoo kaga filnaatay Bianconerri iney hanato Coppa Italia waxeyna haatan baadi goob u gali doontaa iney dhameysirto sadexley koobab ah oo ay ku fashilmeen sanadkii 2015.

Allegri ayaa u dabaal dagaya markii sadexaad inuu Juventus u hogaamiyo koobkaan, Dhanka kale The Old Lady waxey u baahan tahay sadex dhibcood iney hesho labada kulan ee kaga haray horyaalka Serie A-da iyadoo markii lixaad oo xiriir ah u dabaal dagi karta.

DAAWO SAWIRADA DABAAL DAGGA JUVENTUS:

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments