SAWIRO: Real Madrid Oo Saxaafada U Soo Bandhigtay Macalinkeeda Cusub Ee Julen Lopetegui-Muxuu Ka Yidhi Murugadii Xulka Qaranka Spain Ka Soo Qabsatay?

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigay macalinka cusub ee ay kooxdeedu yeelan doonto kaas oo ah Julen Lopetegui oo markii shaqada Madrid loo doortay laga soo caydhiyay shaqadii tababaranimo ee xulka qarankiisa Spain.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo saxaafada iyo jamaahiirta dalka Spain eedayn badan kagala kulmay waqtiga uu ku dhawaaqay heshiiska Julen Lopetegui  ayaa ugu danbayn saxaafada kala soo muuqday Lopetegui isaga oo ku faraxsan in uu noqon doono badalka tooska ah ee Zidane oo iska casilay shaqada kooxda kowaad ee Los Blancos.

Julen Lopetegui ayaa muujiyay sida ay shalay ugu ahayd maalintii noloshiisa ugu murugada badnayd laakiin waxa uu sheegay in maanta ay ka duwan tahay oo ay noqotay maalinta ugu farxada badan inkasta oo uu wali cadow u yahay jamaahiirta xulka qaranka Spain.

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Julen Lopetegui  ayaa isaga oo ka hadlaya murugadii shalay ka qabsatay xulka qaranka Spain barbar dhigaya geeridii hooyadii ayuu yidhi: “Kadib geeridii hooyaday, waxay suurtogal noqotay in shalay ay ahayd maalintii noloshayda ugu murugada badnayd, laakiin maanta waa ta ugu farxada badan”.

Julen Lopetegui ayaa u mahad celiyay Florentino Perez isaga oo waliba u qiiraysan in uu shaqadan u doortay wuxuuna yidhi: “Waa maalin qiiro leh, madax wayne waad ku mahadsan tahay, Real Madrid waad ku mahadsan tahay in aad aniga i aaminteen isla markaana waxaan masuuliyadan ku qaadanayaa sharaf”.

Florentino Perez oo ka hadlay xafladii bandhiga Julen Lopetegui  ayaa sheegay sababta ay ugu dhawaaqeen heshiiskan koobka aduunka ka hor wuxuuna yidhi: “Waxaa waajib ah in aad dareeamaysaan dareen iska hor imanaya, waxaad haysataa laba riyo oo ah ku guulaysiga koobka aduunka iyo in aan tababarto Real Madrid, waxayn ahaayeen laba riyo oo isla shaqaynayay”.

Florentino Perez ayaa ku dhawaaqistiisii Julen Lopetegui ee ka hor koobka aduunka waxa uu u muuqday mid ka sii cadhaysiinaya jamaahiirta Spain wuxuuna yidhi: “Waxaanu doonaynay in aanu si deg deg ah koobka aduunka ka hor u samayno heshiiskan, si aanu uga dhigno mid daah furan oo aanu uga dheeraano wax xan ah iyo wararka suuqa”.

Si kastaba ha ahaatee, 51 sano jirkan ree Spain ee Julen Lopetegui  ayaa la wareegay masuuliyada kooxda kowaad ee Real Madrid isaga oo buuxiyay booskii uu Zidane Zidane dhawaan iska casilay waxaana la arki doonaa qaabka uu shaqadan uga soo bixi doono uu qaabka muran badan ku fuulay.