SAWIRO: Luka Modric Oo Maanta Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Heshiiskiisa Cusub Ee Real Madrid Iyo Waxyaabihii Uu Kaga Hadlay Shir Jaraa’id Oo Uu Qabtay

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo waqti dheer ku sii hayn doono Santiago Bernabeu. Real Madrid ayaa todobaadkan h--e u shaacisay in Modric uu ogolaaday heshiis kordhinta taas oo maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Luka Modric and Emilio Butragueño in today's press conference.

Markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu Real Madrid ku sii joogi doono ilaa sanadka 2020, ayuu Modric saxaafada ka soo hormuudqay wuxuuna ku kaftamay in heshiis kordhintani ayna noqon doonin heshiis kordhintii ugu danbaysay ee Madrid inkasta oo marka heshiiskani dhaco uu noqon doono 35 sano jir. Haddaba waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Modric ka hadlay ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa.

Modric ayaa ka war bixiyay xaaladiisa caafimaad iyo sida uu uga soo kabsanayo dhawaaca uu la maqan yahay wuxuuna yidhi: “Wanaag ayaan dareemayaa. Maalin kasta wanaag yar ayaa jira.Si adag ayaan u shaqaynayaa sidaa daraadeed waxaan soo laaban doonaa sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan, laakiin ma sheegi karo waqtiga  aan kooxda dib ugu soo laaban doono”.Modric: "I never doubted that I would triumph at Real Madrid"

Modric oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Maalin kasta waqtigeeda ayaan qaadanayaa waxaanan rajaynayaa in aan h--e u soo laabto. Waa maalin khaas ah aniguna waxaan aad ugu faraxsanahay in aan cusboonaysiiyo heshiiskayga Real Madrid oo ah kooxda aduunka ugu fiican. Waxaan doonayaa in aan u mahad celiyo kooxda iyo Florentino Perez in ay aniga i aamineen. Waxaan balan ku qaaday in waxa ugu fiican aan qaban doono si aan ula kulmo ujeedada kooxda”.

Miyay ku dhibtay eedayntii aad la kulantay markii ugu horaysay ee aad halkan timid? ayaa Modric la waydiiyay wuxuuna yidhi: ” Maya haba yaraatee. Sidii aan xili h--e sheegay waxba imay dhibin waxa ay dadku sheegeen. Anigu waxaan ogaa in aan imanayo kooxda aduunka ugu wayn, aniguna markaas dagaal ayaan ku jiray, waligay fikir labaad maan helin, waxaan ogaa in aan halkan wax ka samayn doono”.

Ma kooxdii ugu fiicnayd ee aad ka soo ciyaartaa? Modric ayaa markale ku jawaabay:“Waxay noqon kartaa tii ugu fiicnayd. Haa. booskii kastaba tayo Laba ama saddex ciyaartoy ah ayaa jirta. Tan iyo markii aan halkan imid kaliya waxa aanu waynay horyaalka kaas oo ah muhiimadayada kowaad. Koox Real Madrid oo kale ahi horyaalka waqti aad u dheer kama maqnaan karto”.

Luka Modric ayaa la sii waydiiyay: Ciyaaraha miyaad ka fadhiisan doonaa kadib heshiiskan? wuxuuna ku jawaabay: “Anigu waxaan rajaynayaa in aanu noqon heshiis cusboonaysiintaydii ugu danbaysay!. Waxaan ahay 31 sano jir dadka qaar ayay ula muuqataa in ay aad u wayn tahay laakiin wanaag ayaan dareemayaa, taam ahaansho iyo caafimaad. Hamigaygu waa in aan ciyaaraha kaga fadhiisto u ciyaarista Real Madrid heshiis kordhintana way ku dhaw dahay”.

Ugu danbayn Luka Modric ayaa la waydiiyay waqtigii ugu xumaa iyo waqtigii ugu fiicnaa ee uu Real Madrid ku soo qaatay wuxuuna yidhi: “Waqtigii ugu xumaa? markasta waa dhaawacyada. Dhaawicii bawdada ee i soo gaadhay sanadkii 2014 kii ayaa laga yaabaa in uu ahaa kii ugu xumaa. Waxa ugu fiicnaa ku guulaysiga koobabka iyo ku soo biiristii Real Madrid. Ugu dhawaan waxaa ugu fiicnaa ku guulaysigii Champions Leaque-ga ee Lisbon iyo Milan”.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. cawaale xasan cabdilaahi 20-10-2016 at 12:26 pm - Reply

    Modrić waa laacibka ugu wanaagsan dhaxda caalamaka waxaana la odhn karaa waa ka ugu wanaagsan kooxda real madrid waxaa ku jirta qaab ciyaared aad u wanaagsan wuuna u qalmaa dhaxda caalamaka

  2. Aniis yoahn 19-10-2016 at 6:54 pm - Reply

    Luka modric waa dhexda adunka ugu qalisan way wuxuu joga koxda adunka augu adag qofkasta oo kubada cagta wax ka yaqana waa inuu qirsanadaa in luka modric uu yahay dhexda calamka ugu qalisa wakhti xaadirkan

Leave A Response