Sawiro: Kabihii Uu Cristiano Ronaldo Ugu Talogalay Inuu Ugu Dabaaldego ‘Abaalmarintiisii 5aad Ee Ballon d’Or’ Oo Si Qarsoodi Ah Loo Baahiyay

by Saed Balaleti | Wednesday, Dec 6, 2017

Xaflada abaalmarinta Ballon d’Or ayaa berri waxaa lagu qaban doonaa taalada caanka ah ee Eifel Tower ee magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska iyadoo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay hogaaminayaan 30ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or shan jeer taasoo ah rikoor, waxaana la filayaa in Cristiano Ronaldo inuu barbareeyo xiddiga reer Argentina berri marka la gudoonsiiyo abaalmarintiisii shanaad ee Ballon d’Or.

Shirkada agabka isboortis sameysa ee Nike ayaa durbaba waxa ay soo saartay kabo ay ugu talogaleen inay ugu dabaaldegaan hanashada abaalmarinta Ballon d’Or ee ciyaaryahanka ka soo jeeda jasiirada Madeira ee dalka Portugal, iyado tiro xadidan kaliya la sameeyay.

Kabahaan cusub ayaa si qarsoodi ah loogu baahiyay internetka waa nooc cusub oo tiro xadidan laga sameeyay loona yaqaano Nike Mercurial Superfly V, waxaana loogu magacdaray ‘Quinto Triunfo’ (koobkii shanaad)

Kaliya kun kabood ayay Nike sameysay iyadoo suuqa la gelin doono ka dib xaflada Ballon d’Or, kabo walba waxa ay gadaal kaga qoran lambarka ay ka yihiin kunka kabood ee la sameeyay.