SAWIRO: Halyaygii Liverpool Iyo Xulka Qaranka Wales Ee Ian Rush Oo Farxad Wayn Ka Muujiyay In Uu Maanta Koobka Champions Leaque-ga Soo Gaadhsiiyay Cardiff.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Halyaygii xulka qaranka Wales iyo kooxda Liverpool ee Ian Rush ayaa farxad wayn ka muujiyay in uu hogaamiye ka ahaa waftigii ka socday Wales ee ka qayb galay isku aadkii Champions Leaque-ga wareegiisa afar dhamaadka isaga oo waliba markale uu Ian Rush sameeyay isku aadka wareegan. Laakiin Ian Rush ayaa koobka Champions Leaque-ga soo gaadhsiiyay Wales iyada oo finalka koobkan lagu ciyaari doono garoonka xulka qaranka Wales ee magaalada Cardiff.

Ian Rush ayaa koobkan Liverpool kula soo guulaystay sanadihii 1981 iyo 1984 kii laakiin waxa uu dareen khaas ah ku tilmaamay in uu koobkan u soo qaaday magaalada Cardiff ee uu ka dhici doono finalka Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan iyada oo ay iskugu soo hadheen kooxaha Real Madrid , Juventus, Atletico Madrid iyo AS Monaco.

Ian Rush ayaa diyaarad la soo raacay koobka dhagaha wayn ee Champions Leaque-ga waxaana bilaami doona dalxiis koobkan lagu mari doono 20 magaalo oo Wales ka tirsan oo dhinac kasta oo dalka ka tirsan la soo marin doono, waxaana koobkan inta Wales la dhex marinayo hogaamin doona Ian Rush.

Ian Rush oo la hadlyay UEFA.com ayaa yidhi: ” In aan koobkan dib ugu soo celiyay Wales xaqiiqdii waa mid khaas ah. Marti galinta finalkani waxay xaqiiqdii Wales ka caawinaysaa in ay gaadho heer kale. Anigu aad ayaan ugu hanwaynahay. Aniga ahaan in aan koobkan ku soo guulaystay wax wayn ayay ii ahayd, laakiin sidoo kale safarka ayaa halkaas gaadhsiisnaa, waa marka aad garanayso waxa ay tahay kubbada cagta Yurub”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments