SAWIR: Muxuu Arsene Wenger Sameeyey Oo Muujineysa In Uusan Waligii Ilaawi Doonin Arsenal?

Arsene Wenger waxa uu cadddeeyey in uusan waligii awoodi kari doonin in uu ilaawo Arsenal toddobaadkan.

68 jirka waxa uu ka tagay Arsenal dhammaadkii ol’olihii hore kaddib 22 sano oo uu leylinayey laakiin durbadiiba waxa uu ku soo laabtay shaqada tababarenimo…si uu u maamulo koox ka koobneyd xiddigaha aduunka oo wajahaysay xiddigihii France la qaaday koobkii aduunka ee 1998.

20 sano kaddib markii ay ku guuleysteen koobkii aduunka, waxaa dib France ugu midoobay Zinedine Zidane, Thiery Henry iyo Marcel Desailly oo ku badiyey 3-2.

Patrick Kluivert iyo Hristo Stoichkov ayaa ku jiray safkii xiddigaha aduunka ee uu leyliyey Arsene Wenger.

Sawir: Arsene Wenger, wali waxa uu gashan yahay jaakad iyo surwaalkii Arsenal, isaga oo la jooga Thierry Henry & Patrick Kluivert  kahor kulanka xiddigihii France ee 98 vs Xiddigaha aduunka oo dhan.

Henry ayaa sameeyey bandhigii ugu wacnaa kulanka kaddib markii uu si qurux badan ula dheelay Zidane daqiiqaddii 22-aad.

Wuxuu dhiibay mid ka mida kubaddaha aan la fiirin kahor inta uusan Francesco Toldo ka dhalin goolkii bar baraha ahaa ee France.

Goolal ay kala dhaliyeen Zidane and Gaizka Mendieta ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2 kulanka oo ka socday U Arena Stadium,  Nanterre.

Vincent Candela ayaa daqiiqaddii 67-aad goolka guusha u dhaliyey France.