Sandro Ramirez Oo Rajeynaya Inuu Barcelona U Gacan Galiyo Horyaalka La Liga & Jamaahiirta Catalan Oo U Riyaaqay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo lakala baxayo maalinta ugu dambeysa horyaalka La Liga, Real Madrid ayaana gacanta sare leh iyadoo kaliya u baahan 1-dhibic si ay u hanato horyaalka shan sano kadib.

Barcelona wax walba uguma xirna lugaheeda ee waxey rajadeeda kuxiran tahay kooxda Malaga oo guul gaarta, balse xidigoodii hore Sandro Ramirez ayaa rajo fiican galiyay kadib markii uu saxaafadda la hadlay.

Sandro Ramirez wuxuu rajeynayaa inuu gool ka dhaliyo Real Madrid isla markaana La Liga gacanta u galiyo Barcelona.

“Waxaan rajeynayaa inaan gool dhaliyo horyaalkana siiyo Barcelona” ayuu u sheegay saxaafadda.

“Waxaan rajeynayaa iney ii noqoto maalin riyo”

“Waa inaan wax walba siiyo Barcelona, waxaan rajeynayaa iney dhacdo”

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments