Sanchez → PSG, Morata → Chelsea & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Liverpool ayaa dhaqaaq u sameyneysa saxiixa goolhayaha Manchester City Joe Hart iyadoo miiska u saareysa 20 Malyan oo Pound. (The Sun)

Claudio Bravo oo 34-jir ah ayaa kusii nagaan doona Etihad Stadium, inkastoo Pep Guardiola uu raadinayo goolhaye uu dooqa koowaad ka dhigto xili ciyaareedka soo aadan. (The Sun).

Arsenal ayaa durba bilowday qorshaheeda xili ciyaareedka soo aadan madama uu tababare Arsene Wenger sii heyn doono xilka kooxda. Sead Kolasinac ayaa ka mid ah liiska. (Mirror).

Paris Saint Germain ayaa ugu cad-cad safka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez kaas oo 28-jir ah, waxeyna sidoo kale qorsheynayaan iney lasoo saxiixdaan Mesut Ozil. (Yahoo).

Chelsea ayaa heshiis la gaartay Real Madrid, waxeyna labada kooxood ka wada heshiiyeen saxiixa Alvaro Morata oo 24-jir ah. (Diario Gol)

Tababaraha West Ham Slaven Bilic ayaa diiday inuu meesha ka saaro suragalnimada ah iney la saxiixdaan John Terry, sidoo kale Bournemouth ayaa xiiseyneysa. (Mirror).

Manchester United ayaa diyaar u ah iney ka dalbato Ander Herrera oo 27-jir ah heshiis cusub oo ay todobaadkii ku siineyso 120,000 kun oo Pound. (Daily Mail).

Liverpool ayaa dooneysa iney daafaca reer France Mamadou Sakho oo 27-jir ah ka iibiso kooxda reer talyaani ee As Roma xagaagan. (Goal).