Samuel Umtiti: Lionel Messi Wuxuu Mararka Qaar Inoo Dhexmaraa Sida Dhagaxaan Aan Dhaqeyn !

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Nov 30, 2016

Samuel Umtiti ayaa qirtay in Lionel Messi uu ula dhaqmo saaxiibadiisa Kooxda “Sida dhagaxaantii oo kale” xiliga at ku guda jiraan tababarka  kooxdooda Barcelona.

23 jirkaan ayaa u dhaqaaqay Camp Nou xagaagii isagoo ka yimid dhanka Kooxda Lyon wuxuuna wixii uGu layaab ka badnaa ee uu ku arkay halkaasi ku sheegay tayada Messi uu soo bandhigo maalin waliba isagoo sheegay inuu cid waliba ka yaabsado.

“Kubada ayaa aad uGu fudud isaga, tayadiisa waa mid aan caqliga galeyn, inkastoo uu xitaa aad u shaqeeyo” Umtiti ayaa sidaasi u sheegay France Football.

lionel-messi-samuel-umtiti-gerard-pique

Isagoona ku daray “Xiliga tababarka, wuxuu sameeyaa wax ka baxsan caqliga aadamiga, mararka qaar wuxuu dib maraa xitaa qof waliba, agtiisa waxaan ka nahay sida dhagaxaan aanan dhaqaaqi kari, xitaa aniga wuu igu sameeyay midaas”.

Si kasto, Umtiti oo horay u diiday Barcelona intuu kooxdaasi maamulay Pep Guardiola ee u dhexeysay 2008-2012, isagoo sheegay inuu markaasi diidayay kubada tiki-taka ee uu ku sheegay mid caajis badan, waxaana Guardiola kadib kooxdaasi maamulay Tito Vilanova iyo Gerardo Martino halka Luis Enrique la magacaabay bishii May 2014 uu ilaa haatan hayo kooxdaasi wuxuuna Umtiti qabaa in macalinkooda haatan uu ka weerar fiican yahay kan haatan maamula Manchester City wuxuuna yiri “Wax kubad ah ma aysan aheyn midaas, waxaan saaxiibadey u sheegay iney kubada Barcelona tahay mid lagu caajiso waayoo 10 sanadood ayeey kubada isu baasbaasayaan laakin haatan taasi wey is badashay kubadaana waxay ku saleysan tahay weerar”.

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. mudane50 30-11-2016 at 11:00 pm - Reply

    somalida maxay dadka ugu cayaan madow anaga soo madow ma nihin mise umad anaan aqoon ayaan nahay meesjey kaso jedaan waa yaaaaaaab yaaaaaaabkiiiiiiiiiiiiiiiis

  2. sandaro 30-11-2016 at 10:25 pm - Reply

    mrka ka firso hdlada aad ku hdlayso messi player u dhigma kubada ma dheelo

  3. sandaro 30-11-2016 at 10:24 pm - Reply

    xayawan wr wxn waa wx la brto ree badiya tahye messi na wyu u dhashay kubada ee ma brn xoolayhow

  4. Sulley 30-11-2016 at 2:34 pm - Reply

    Waxaasaa naadi sheeganaya sida Qoryaha
    Ama sanamyada loo dhex marayo .
    Sowkii Pique jabin gaadhay sannadkii h--e
    Markaasaa lagu yidhi waar wuxu waa curyaan la kabaye haka qaadina kubadda wuxuu doono ha sameeyee.

Leave A Response