Sadio Mane Oo Kooxdiisa Liverpool Uga Mahad Celiyay In Ay U Suurtogaliyeen Qol Uu Ku Cibaadaysto Iyo Qaabka Ay Reds Uga Caawisay In Uu Sal Dhigto Anfield.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 14, 2017

Xidiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa kooxdiisa Liverpool uga mahad celiyay sida ay maalintii ugu horaysay ilaa hadda uga caawisay in uu si fiican u saldhigto Anfield wuxuuna kooxdiisa Reds ku tilmaamay in ay yihiin qoys kaliya. Sadio Mane oo ah ciyaartoy muslim ah isla markaana si cad u muujista islaamnimadiisa ayaa kooxdiisa Liverpool uga mahad celiyay in ay isaga u hibeeyeen qol uu ku cibaadaysto.

Sadio Mane oo maanta kaalinta 32 aad ka galay qiimaynta sanad laha ah ee Goal50 isla markaana ka sare maray Romelu Lukaku, Philippe Coutinho iyo ciyaartoy badan oo kale ayaa shabakada qiimayntan samaysay ee Goal.com u sheegay in Liverpool ay isaga caawisay ilaa maalintii ugu horaysay ee uu Anfield soo gaadhay taas oo keentay in uu si deg deg ah kooxda muhiim uga noqday.

Sadio Mane oo xulka qarankiisa Senegal ka soo caawiyay in ay koobka aduunka u soo baxaan ayaa Melwood ku soo laabtay si baadhitaano dheeraad ah loogu sameeyo xaaladiisa kadib markii uu ku soo kacay dhaawicii muruqa ahaa ee uu dhawaan ka soo laabtay.

Sadio Mane oo la hadlayay shabakada Goal ayaa ka warbixiyay sida ay Liverpool u tahay qoyskiisa iyo qaabkii ay u soo caawisay wuxuuna yidhi: “Laga soo bilaamo maalintii ugu horaysay, waxay ii muujiyeen in aanu qoysnahay. Haddii aad doonayso in aad guulaysato marka aad ciyaarayso, waa in maskaxdaadu ay xor noqoto isla markaana waxay taasi dhacdaa marka aad ogtahay in wax walba la daryeelayo, kaliya waxaad diirada saaraysaa kubbada cagta”.

Sadio Mane oo ka hadlaya xidhiidhka fiican ee uu kooxdiisa laa leeyahay ayaa yidhi: “Anigu waxaan xidhiidh fiican qof kasta kula leeyahay garoonka banaankiisa isla markaana taas waxaad ku arki kartaa in ay sidoo kale raacday garoonka dushiisa”.

Intaa kadib Mane ayaa ka hadlay jacaylka taageerayaasha kooxdiisu u hayaan wuxuuna yidhi: “Sidoo kale taageerada jamaahiirta ka imanaysaa waa muhiim, marka aad dareento in lagu jecel yahay iyo sida ay xaqiiqdii kaaga danbeeyaan, waxay la mid tahay sidii aad wax walba gaadhi karto”.

Inta kadib Mane ayaa ka hadlay Mohamed Salah wuxuuna yidhi: “Mohamed waa wiil fiican iyo ciyaartoy aan caadi ahayn. Waa wax aad u fiican in uuu si aad u sahlan u sal dhigtay waxaana jira wax aad u badan oo isaga ka iman doona . Si fiican ayaanu isku helnaa oo aan ugu raaxaystaa in aan isaga la ciyaaro, laakiin taasi waxay la mid tahay qof kasta, waxaanu haysanaa koox aad u xiiso badan isla markaana dhamaantayo waxaanu doonaynaa in aanu kooxda guul ku caawino”. Waraysiga Mane oo dheer awgeed qaybo kale ayaanu insha Allah idiin soo gudbin doonaa.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments