Sababta Uu Tababare Antonio Conte Isaga Diiday Shaqada Real Madrid & Halka Uu ka Dhashay Muranka Ay Maamula Blues Isku Qabteen Oo La Kashifay.

Waa la ceyriyay!! Tababare Antonio Conte ayaa si rasmi ah looga ceyryay shaqada kooxda Chelsea kadib laba sano oo uu lasoo guulo la taaban karo usoo hoyay, sidey sheegayaan warbixino laga helayo warbaahinta Ingiriiska inuu iska diiday fursad ay usoo bandhigtay kooxda Real Madrid.

Blues ayaa qaaday tallaabadii ugu dambeysay oo ay meesha uga saareyso tababare Antonio Conte kaas oo fasalkiisii ugu horeeyay garoonka Stamford Bridge u gacan galiyay horyaalka Premier League halka fasalkii dhamaaday uu keenay garoonka koobka qadiimiga ah ee FA Cup.

Khamiistii ayey u aheyd macsalaamo maadaama ay aheyd maalintii ugu dambeysay oo uu soo xaadiray xerada tababarka Cobham, waxaana lagu soo warramayaa in dhawaan la magacaabi doono tababarahii hore Napoli Maurizio Sarri.

Antonio Conte wuxuu sugayaa hadda in Blues ay jeebka ugu shubto adduun dhan 9 Malyan oo Pound taasoo ah magdhaw maadaama la kansalay hal sano oo heshiis ah, waana sababta uu isaga diiday inuu qabto shaqada kooxda Real Madrid.

Macalinkii hore Italy & Juventus ayaa si weyn loogu soo bandhigay ka hor koobka Adduunka inuu badal u noqdo tababarahii iska casilay xilka Real Madrid ee Zinedine Zidane, balse si uu Chelsea uga helo adduunkaan lacagta ah ayuu isaga diiday, waxeyna noqon laheyd inuu isagoo gacmo maran ka baxo Blues isagoo aan ogeyn waqtiga iyo heshiiska Real Madrid ay siin doonto meesha uu la gaari karo.

Antonio Conte waa macalinka boqoleyda guul ee waayaha Chelsea ee horyaalka Premier League ugu badan maadaama uu helay 65.1% waana in ka badan macalin walba oo Chelsea maamulay wax ka badan 100 kulan oo horyaalka ah.

Sida wararka lagu helayo sheekada is qabqabsiga maamulka iyo Conte waxey soo bilaabatay markii uu fariin ku ceyriyay Diego Costa sidoo kalana waxaa jirta siyaasad xumo dhanka suuqa ah oo uu ku heystay maamulka farsamada ee kooxda.

 

Shaqo ka ceyrinta Antonio Conte sidee u aragtaa?