Sababta Uu Marco Asensio U Seegayo Kulanka Apoel Nicosia Ee Caawa Oo La Ogaaday, Waana Sabab Qariib Ah.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Da’yarka Real Madrid Marco Asensio ayaa seegaya kulanka ay kooxdiisa caawa la leedahay Apoel Nicosia ciyaar ka tirsan koobka horyaalada yurub ee Champions League waana markii 26-aad ee la furayo dhacdada koobkaan tan iyo markii magacaan la bixiyay.

Los Blancos ayaa soo dhaweyn doonta kooxda reer Cyprus, waxaana liiska kooxda laga waayay Marco Asensio kaas oo sabab layaab leh ku seegaya sida ay ogaadeen saxaafadda Spain.

Saxaafadda Spain ayaa ku warantay in Marco Asensio uu qaaday talaabo uu ku xiirayo timaha lugahiisa taasna uu ka dhaxlay iney kasoo baxaan finan ay sababeen caabuq ku yimaaday goobta uu timaha ka xiiray.

“Finan… taasoo ka hor istaagtay inuu xirto ikaalshada” ayuu yiri Zidane oo ka hadlayay sababta uu xidiga reer Spain ku seegayo kulanka Apoel Nicosia.

Daafacyada Apoel Nicosia walwal badan ma qabi doonaan, mana wajahi doonaan qatarta Marco Asensio kaas oo wacdaro dhigayay maalmahii ugu dambeeyay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments