Sababta Loo Iibin Waayay Martial, Qiimaha Heshiiska De Bruyne, Arsenal Oo La Xiriiraty Nicolas Pepe & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalada qaaradda yurub goor hore ayuu xirmay, marka laga hadlo kaliya horyaalada ugu waaweyn, balse wali waxey warbaahinta kubadda cagta baahinayaan warar xan ah oo udub dhexaad u noqon kara suuqa soo aadan.

Haddaba waxaan jecelnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay ee la hadal hayay maanta oo Sabti ah, sidoo kale xaqiiqda iyo jiritaanka wararkaan masuul kama noqon doono maadaama aan u xaglin doono warbaahinta daabacday, xantuna waa wax mar walba aan lagu kalsoonaan karin.



Man United ayaa diiday iney iska iibiso xiddiga reer France Anthony Martial sababtoo ah waxey faa’iidada heshiiskiisa ku qasban yahiin iney 50% siiyaan kooxdiisii hore Monaco. (The Sun)

Tababare Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in xiddigiisa reer Belgium Kevin de Bruyne uusan iib aheyn walow uu ka dhawaajiyay in lagu heli karo 233 Malyan oo Pound. (Manchester Evening News)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa si weyn u doonaya inuu lasoo saxiixdo 25-jirka reer Argentina ee hogaamiya kooxda Inter Milan Mauro Icardi. (Le10Sport)

Arsenal ayaa xiriir la sameysay wakiilada xiddiga Lille & qaranka Ivory Coast Nicolas Pepe, 23-jirkaan weerarka ka ciyaara waxaa lagu qiimeeyaa adduun dhan 30 Malyan oo Pound. (Le10Sport)

Maurizio Sarri ayaa aaminsan in tartanka Premier League uu u dhaxeeyo kooxaha Man City iyo Liverpool, sidoo kalana aysan kooxdiisa ku jirin tartanka oo dhan. (London Evening Standard)

Tottenham Hotspur ayaa fursad u heshay iney lasoo saxiiato sanadkii 2014 xiddiga Real Madrid ee haatan Marco Asensio, balse fursadaas loo soo bandhigay wey iska diiday. (Mundo Deportivo)

Guardiola ayaa doonaya inuu mar uun maamulo xul qaran, sidoo kalana wuxuu xaqiijiyay inuu dib ugu laaban doono xerada La Masia ka hor inta uusan ciyaaraha ka bixin. (Times)