Sababta Ay Bisha October Ugu Tahay Cristiano Ronaldo Bisha Ugu Fiican, Goolasha Uu Dhaliyay & Barcelona Oo Ka Mid Ah Kooxaha Dhibanaha U Noqday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Cristiano Ronaldo wuxuu ku bilowday sidii ugu xumeyd horyaalka La Liga xilli ciyaareedkaan tan iyo markii uu soo caga dhigtay caasimadda sanadkii 2009 madama uu ku fashilmay inuu gool dhaliyo sadexdiisa kulan ee ugu horeysay waayahiisa Real Madrid.

Si kastaba, bisha October ayaa ah bil uu kabtanka Portugal mar walba sameeyo bandhig cajiib ah, lix jeer ayuu dhaliyay bishaan 2-gool, sidoo kale afar  jeer ayuu dhaliyay sadexley, bishaan waa bil uusan waligiis iloobi karin madama uu sidoo kale hal jeer dhaliyay 4-gool markaasna waxey aheyd markii uu Racing Standard la kulmay 23-kii October 2010.

Xilli ciyaareedkii 2011/2012 ayey aheyd markii ugu fiicneed oo uu bisha October ku raaxeysto, wuxuuna dhaliyay 10-gool, 4-kulan oo uu saftay.

Sidoo kale xilli ciyaareedkii 2013/2014 ayuu sameeyay rikoor cajiib ah madama uu dhaliyay 6-gool, 3-kulan

Marka aan fiirino kooxaha dhibanaha u noqday hogaamiyaha Madrid: Malaga ayaa ah kooxda ugu badan ee uu gool ka dhaliyay 6-jeer ayuu shabaqooda soo taabtay, sidoo kale Levante & Racing Standard ayaa kusoo xigta madama uu ka dhaliyay 4-gool.

Barcelona, Sevilla, Alaves & Athletic Club ayuu min sadex gool ka dhaliyay bishaan October, taasoo ka dhigan in lagu jiro bisha ugu fiican waayahiisa horyaalka La Liga.

Bishaan October ee hadda aan ku guda jirnow wuxuu fursad heli karaa dhawr kulan: Tottenham Hotspur, Eibar, Getafe & Girona, sidoo kale wuxuu safan karaa kulanka Copa del Rey ee ay la ciyarayaan Fuenlabrada.