Sababta Aan Ka Hor Bilowga Kulankii Man United & CKSA Moscow Loo Maqlin Heesta Astaanta Champions League Oo La Ogaaday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Kulankii Man United iyo CKSA Moscow ku dhexmaray garoonka Old Trafford ayaan bilowgii u muuqan in la ciyaarayo Champions League madama qof walba uusan maqlin heesta astaanta u ah tartanka cilad farsamo oo gadaal laga ogaaday.

Heesta waa mid la maqlo ka hor bilowga kulan walba oo tartankaan ka mid ah kana dhacaya garoon walba, balse ma dhicin iney maqlaan jamaahiirtii soo xaadirtay Old Trafford iyo kuwii ka daawanayay daafaha caalamka.

Xamaasadda ay heestaan leedahay waxey kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ku qasabtay inuu afka la nuuxiyo kulan ka tirsan tartanka Champions League.

Nasiib wanaag wariyaha caanka ah Des Kelly kana tirsan BT Sports ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa inaan la maqlin heesta, waxeyna noqotay cilad dhanka farsamada ah.

“Kadib baaritaan dheer, saraakiisha ku shaqada leh ayaa xaqiijiyay in CD-ga uu joojiyay shaqada, waxaana lagu qasbanaaday in laga tago”

Red Devils waxey gaartay guushii shanaad ee tartanka markii ay 2-1 ku dileen CSKA Moscow, waxeyna si weyn kaga mahad celinayaan Romelu Lukaku iyo Rashford oo ka jawaabay gool ay ku hormareen kooxda reer Russia.