SAAMEYNTA CR7: Kooxda Juventus Oo Laba Bilood Kaliya Ku Iibisay Maaliyado Ka Badan Intii Ay Iibisay Fasalkii Lasoo Dhaafay.

Juventus ayaa qaaday tallaabo maaliyadeed oo baahsan tan iyo markii uu kusoo biiray kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo, maqaamka suuqa ee kooxda ayaa sare u kacay sidoo kalana kooxda waxaa soo galay faa’iido badan oo aan wali salka loo dhigin.

Midaas badalkeeda kooxda Juventus waxey qaaday tallaabo iibka maaliyadaha ah maadaama ay kaliya laba bilood ku iibisay in ka badan maaliyadahii ay sanadkii hore dhan iibisay taasoo ka dhigan in aad loo soo dalbaday maaliyadda kooxda.

Marka laga hadlo July iyo August-adii lasoo dhaafay ee 2017 labadaan bilood ee sanadkaan 2018 waxey kooxda sameysay sare u kac 145% iibka maaliyadaha.

Sida uu ku warramaya wargeyska Idealo Magazine iibka maaliyadaha ugu badan ee kooxda waa magaca Cristiano Ronaldo kaas oo xitaa gudaha talyaaniga looga iibsado qaab (Online) ah.

Sidoo kale dalalka England iyo Spain waxey maaliyadda Ronaldo ee Juventus ka noqotay midda 7-aad ee ugu caansan.