Saadaasha Khabiirka Sky Sports Paul Merson Kulamada 5-aad Ee Horyaalka Premier League – Muxuu Ku Saadaaliya Kulanka Liverpool & Tottenham?

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa kusoo laabtay saaxadda saadaasha kadib kulamadii qaran ee ay jireen ciyaartoyda, todobaadka shanaad ee horyaalka ayuuna markaan saadaashiisa kasoo dhiibtay iyadoo hillinka uu ka hor kulamada isbuucaan ku tilmaamay “Ninkii Mucjisada ahaa”.

Tottenham iyo Liverpool ayaa ciyaari doona kulanka ugu horreeya horyaalka Premier League todobaadka shanaad, waana kulanka ugu weyn ee aadka loo wada sugayo iyadoo Reds aysan wax guuldaro ah la kulmin afartii kulan ee hore halka Spurs ay hal guuldaro kala kulantay kooxda Watford.

Merson wuxuu aaminan yahay in Liverpool ay sii wadan doonto rikoorkeeda guuldaro la’aanta, kaliya 3-gool ayaana la iska dhalin doonaa sida uu qabo.

Blues ayaa sii wadi doonta rikoorkeeda guuldaro la’aanta qudheeda sida uu qabo Paul, wuxuuna siiyay 4-gool oo ay kaga badin doonaan Cardiff, halka uu guul weyn siiyay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City oo kulan xiiso leh la yeelan doonta Fulham.

Si la mid ah kooxaha Arsenal & Manchester United ayuu siiyay guulo kulamada ay la kala yeelan doonaan Watford iyo Newcastle United min (2-1) ayuuna saadaaliyay iney ku dhamaan doonto.

KULAMADA SABTIDA:

Tottenham Hotspur 1 – 2 Liverpool

AFC Bournemouth 2 – 2 Leicester City

Chelsea 4 – 0 Cardiff City

Huddersfield Town 0 – 2 Crystal Palace

Manchester City 4 – 0 Fulham

Newcastle United 1 – 2 Arsenal

Watford 1 – 2 Manchester United

KULAMADA AXAD:

Wolverhampton Wanderers 2 – 1 Burnley

Everton 1 – 1 West Ham United

KULAMADA ISNIIN

Southampton 2 – 0 Brighton & Hove Albion

 

Adiguna Saadaashaa qeybta hoose ee Comments-ka ku qor.

13 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. tothenham 0_3 Liverpool
    salah,mane and firmino destroy tothenham defence

  2. Chelsea 3-1 cardif
    Newcastle 1-4 arsenal
    Man city 2-0 Fulham
    Watford 0-1 manutd
    Tottenham 2-1 liverpool

  3. totenhm vs liverpool 1_1
    chelsea vs cartdif 4-0
    arsenlvs n.cstle 1-1
    m.city vs fulham 2-1
    watford vs womens 2-0

  4. Tottenham 2_1 Liverpool
    Chelsea 3_1 Cardiff city
    Man city 4_1 Fulham
    Newcastle city 1_3 Arsenal
    Watford city 2_1 man utd

Comments are closed.