Saadaasha Khabiirka Sky Sports Paul Merson Ee Kulamada Furitaanka Horyaalka, Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Furitaanka Iyo Midka Arsenal & Citizens.

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa dib u bilaabay saadaasha kulamada horyaalka Premier League, qof walba ayaana sugaya bilowga fasalka cusub iyo sida ay noqoto saadaasha halyeeygii hore Gunners.

Kulamo culus ayaa isbuuca koowaad dhici doona waxaana ka mid ah kulanka furitaanka caawa ee dhexmari doona Manchester United iyo Leicester City, sidoo kale difaacdayaasha horyaalka ayaa la kulmi doona Arsenal.

Haddaba aan fiirino sida ay noqotay saadaasha khabiirka Sky Sports Paul Merson:

Paul Merson wuxuu aaminsan yahay in Man United ay caawa guul ku bilaabeyso horyaalka, isagoo carabka ku dhuftay ineysan kooxda soo qaadan kulamo fasax fiican ah. Sidoo kale Merson wuxuu qabaa in Red Devils ay kulan weyn ciyaari karto.

Kulanka St James Park ku dhexmari doona Newcastle United iyo Tottenham Hotspur wuxuu ku saadaaliyay barbaro gool la’aan ah,

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkaan ee Emirates Stadium ku dhexmari doono kooxaha City iyo Gunners wuxuu guuldaro siiyay kooxdiisii hore isagoo dareensan ineysan heysan awood ay isaga dhiciyaan wiilasha Pep Guardiola.

Liverpool guul ayey ku bilaabeysaa horyaalka sida uu qabo Merson, maadaama uu guul ka siiyay kooxda West Ham oo ku dhawaad darsan ciyaartoy ah keensatay.

KULANKA CAAWA:

Manchester United 2 – 0 Leicester City

KULAMADA SABTIDA:

Newcastle United 0 – 0 Tottenham Hotspur

AFC Bournemouth 2 – 0 Cardiff City

Fulham 1 – 1 Crystal Palace

Huddersfield Town 2 – 0 Chelsea

Watford 1 – 1 Brighton & Hove Albion

Wolverhampton Wanderers 1 – 1 Everton

KULAMADA AXADDA:

Liverpool 2 – 0 West Ham United

Southampton 2 – 1 Burnley

Arsenal 1 – 3 Manchester City

11 Comments

  1. Newcastle vs toten ham 1:2
    BOUR’mouth vs Cardiff 2:0
    Watford vs Brighton 1:3
    Wolves vs Everton 0:2
    Liverpool vs west. 4:1
    Sout’ton vs Burnly 2:2
    Arsenal. Vs man city 1:1

  2. Tottanham 1_2 Newcastel

    Houdulfile 1_0 ChelseA

    Bourmute 2_1 Cardif city

    Fulham 0_2 CresteL place

    LiverpOol 5_1 West ham

    mancity 1_2 ArsenaL

    watford 2_2 Brition

    wolves 1_3 Everton

    Southaton 2_2 Burle

  3. Manchester United 3–1 Leicester City
    Huddersfield Town 0– 2 Chelsea
    Arsenal 2 – 1 Manchester City
    Liverpool 3 –1 West Ham United
    Sadashayda Kulamada Wawayn

  4. Kan Jaaahil waaye Sadaal maaha Waxiiisa waaa Iska Hadal leee Chelsea io Huddersfield Uu ku Fashilmaaa

Comments are closed.