Ronaldo Oo Ugu Baaqay Philippe Coutinho Inuu Ka Tago Liverpool Una Wareego Real Madrid.

by Saed Balaleti | Wednesday, Oct 19, 2016

premier-league-football-alberto-moreno-philippe-coutinho-liverpool-super-sunday_3764806

Halyeeygii Real Madrid iyo Brazil Ronaldo ayaa jeclaan lahaa inuu Phillipe Coutinho ka tago Liverpool una wareego Santiago Bernabeu.

Ronaldo ayaa shan xilli ciyaareed ku qaatay caasimada Spain isagoo dhaliyay 104 gool 177 kulan uu u saftay Real Madrid oo uu la qaaday labo koob oo horyaalka La Liga.

Weeraryahankii h--e ee Inter Milan ayaa sheegay in Coutinho oo xiddig muhim ah ka noqday tan iyo markii uu Inter ka soo wareegay 2013 inay tahay inuu isku tijaabiyo Spain.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan Coutinho ku arko Real Madrid” ayuu Ronaldo u sheegay idaacada Isbaanishka ee Onda Cero.

“Kubada cagta Spain muran la’aan waa tan ugu fiican taariikhda. Waxa ay mar walba soo saartaa ciyaartoyda ugu fiican, waxaana ay soo saartay kubada ugu qurxoon.”

Laakiin 24 jirkaan oo qandaraas cusub u saxiixay Liverpool dhawaan ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu baxo ka hor dhamaadka qandaraaskiisa oo ku eg 2020.

Waxa uu yiri: “Liverpool waa sida gurigeyga oo kale. Waan ku faraxsanahay, waan saldhigtay, waana fahmay magaalada iyo dadka.

“Waa magaalo cajiib ah. Waxaan ku riyaaqaa inaan shineemo la aado xaaskeyga iyo maqaaxiyaha magaalada.

“Taageerayaasha aad ayay u fiican yihiin. Inaan maqlo iyagoo magaceyga ku heesaya waa ay i dhiirogelisaa. Taageerayaasha halkaan waxa ay iga dhigaan mid cajiib ah.”

Like it? Share it!

9 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Yussuf Aden 19-10-2016 at 4:02 pm - Reply

    Ander hareirra damer baa tahay waryaa

  2. Samiira 19-10-2016 at 2:14 pm - Reply

    Kolayba asiga ikhtiyaar leh Coutinho kooxdo ku biirayo iyo kooxdo joogayo anaga rayi le ka dhiibahenalakiin waxaa qalad ah in laysku xad gudbo waliba qof walaalka Soomaliyeed qof gaal ah ama koox gaal ugu aflagadeso taageernimada yeena faraha ka bixin ee danbi uun laga kororsan dad aan idin ogeen nbdy

  3. Sagal 19-10-2016 at 2:13 pm - Reply

    Kolayba asiga ikhtiyaar leh Coutinho kooxdo ku biirayo iyo kooxdo joogayo anaga rayi le ka dhiibahenalakiin waxaa qalad ah in laysku xad gudbo waliba qof walaalka Soomaliyeed qof gaal ah ama koox gaal ugu aflagadeso taageernimada yeena faraha ka bixin ee danbi uun laga kororsan dad aan idin ogeen nbdy

  4. Sagal 19-10-2016 at 12:59 pm - Reply

    Horto kibir qof bini Adam ah inoo sheegto maaha mida kale waa run bal sheeg 1 ciyaartoy oo muhiim ah oo Spain kaso baxay? Waa run ciyaartoyda ayago laacibiin ah ayay soo iibsadan mida kale Real waxay ku dheesha ciyaartoyda ciyaar yahanka marko dhaho waa baxaya ama ayaga diraayanba sidoow wax danbe u tarin cirbad ayay laqsiyan yaahuu….Coutinho waa player Liverpool u baahnow ama ha u baahan adigaba ku faraxsan kooxdiisa viva Lfc 4 ever

  5. Ander Herrera 19-10-2016 at 12:56 pm - Reply

    Waa xaqiiq
    intuu Liverpool joogo ilama aha inuu meel gaarayo ku biir Barcelona Ama Madrid Ama Kooxda dunida ugu qanisan Ee Manchester United

  6. King7 19-10-2016 at 12:53 pm - Reply

    wiilkagan yar ee taagera liverpool ayaa tahay boqortoyadi baa afkaga urayo ku taageysa wax iskula har ama afkaga urayo jacafad u dhigo wax qurmay baa thy f××ck

  7. kibirlow 19-10-2016 at 11:09 am - Reply

    adeer kaagan idagoo liverpool yaageera madrif wax ka sheegaha nin baa aragtidiisa ka hadlay real waxay san doonin isagaa jira kun ka laacib san baa jooga saa boos ⚾ ka heli maaye wax hanooga dhigin

  8. Superb coutinho 19-10-2016 at 10:10 am - Reply

    Horyaalka Spain miyaa ciyaaryahano soo saara mise xidigaha waaweyn ayey
    Kala soo wareegaan kooxaha kale Ee Ka dhisan horyaalada kale ee Yurub.
    Mida kale coutinho Liverpool meel ugama socdo reer riyo maraq ha ku taagnaato Iyo
    Wixii nacamle u ahba sida Ronaldo

Leave A Response