Ronaldinho & Roman Riquelme Oo Dib U Gashan Doona Kabaha Kubadda Cagta Si Ay U Caawiyaan Kooxda Musiibada Ku Dhacday Ee Chapecoense

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Halyeeygii h--e Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Ronaldinho ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo dib ugu soo laabashada garoomada kubadda cagta.

Dinho oo goor h--e ku dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta ayaa doonaya markaan inuu caawiyo kooxda reer Brazil ee Chapecoense kuwaas oo ay musiibo ku dhacday xilli ay duulimaad ugu sii jeedeen magaalada Meddelin ee dalka Colombia.

71-qofood ayaa ku geeriyooday diyaaradii ku burburtay Colombia oo ay ka mid ahaayeen 19-ka mid ah ciyaartoyda Chape waxaana intaas sii dheer iney ku jireen xubnaha geeriyooday Wariyeyaal iyo Shaqaalaha kale ee kooxda.

Ronaldinho

Iyadoo dunida kubadda cagta ay haatan muujineyso sida ay uga xun yahiin wixii qabsaday kooxda Chapecoense, hadana Ronaldinho oo ay si daran u taabatay arintaan ayaa qiray inuu kabaha kubadda cagta dib u gashan doono si uu bilaash ugu ciyaaro kooxdaan waase hadii ay lasoo xiriiraan.

Sidoo kale halyeeygii h--e qaranka Argentina Juan Roman Riquelme ayaa isna diyaar u ah inuu bilaash ugu ciyaaro kooxda Chapecoense, waana yabooh ay naftooda ugu yabooheen madama aysan kooxdaan heysan ciyaartoy ku filan waqtigaan.

Boca Juniors' midfielder Juan Roman Riquelme controls the ball during their match against Quilmes on September 29, 2013

Roberto Assis oo ah walaalka Ronaldinho ahna wakiilkiisa ayaa xaqiijiyay in xidigii Barcelona uu doonayo ku dhaqaaqidda qaab walba oo uu ku caawin lahaa kooxda ay musiibada ku habsatay.

“Waa waqti aad u adag, hadii ay ila soo xiriiraan, waan wada hadli karnaa” Ayuu yiri isagoo la hadlayay Globo Esporte”

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. liibaan 02-12-2016 at 2:23 pm - Reply

    sxb dinho waqtigiisa wuu dhamaaday ee xasuus lee ayuu nagalin rabaa waa laacib balse wuu tagay tag yay

  2. Yacquub 02-12-2016 at 11:20 am - Reply

    Absolutely Ronaldihno wuu solabtay Mucjisadii kubada hhhhh we waiting

Leave A Response