Ronaldinho Oo Sii Huriyay Hadal Heynta Coutinho La Xiriirineysa Barcelona: “Waa Xidig Ku Haboon Inuu U Ciyaaro Balaugrana”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Halyeeygii hore Brazil Ronaldinho Caucho ayaa sii huriyay wararka la xiriirinaya kubad sameeyaha Liverpool Philippe Coutinho kooxda Barcelona, wuxuuna qiray isagoo la hadlayay Sky Sports iney wacnaan laheyd inuu ku arko isagoo xiran maaliyadda Balaugrana.

Ronaldinho oo Brazil kula guuleystay koobkii Aduunka ayaa dareensan in Philippe Coutinho uu yahay nuuca ciyaartoy ee ku fiican kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa isku dayday iney lasoo saxiixato xidiga heerka caalami ee wadanka Brazil intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda balse Reds ayaa ka biyo diiday.

“Waxaan filayaa habka uu u ciyaaro iney ku wacan tahay halkaas, waan ku farxi lahaa inaan arko qof tayadaas leh oo xiran maaliyadda Barceloan” ayuu yiri halyeeygii hore qaranka Brazil.

Dhanka kale Ronaldinho wuxuu qiray in Philippe Coutinho uu tayadiisa ku caawin karo xulka qaranka Brazil ee ka qeyb galaya koobka Aduunka.

“Waan jeclahay habka uu u ciyaaro, tayadiisa waxey Brazil ku caawin kartaa iney u dagaalanto koobka Aduunka xiga”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments