Robert Lewandowski Oo Sabab Qariib Ah Kaga Carooday Carlo Ancelotti & Wakiilkiisa Oo Si Faah-Faahsan Uga Hadlay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Robert Lewandowski ayaa si daran uga carooday kooxdiisa Bayern Munich gaar ahaan tababare Carlo Ancelotti madma ay ku caawin waayeen kulankii ugu dambeeyay inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya Bundesliga sida uu ka dhawaajiyay wakiilkiisa.

Abaalmarintaas shaqsiga ah waxaa la hoyday Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo 31-gool dhaliyay xilli ciyaareedkii dhamaaday kaas oo laba gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay horyaalka markaas oo ay 4-3 kaga adkaadeen Werder Bremen.

28-jirka reer Poland wuxuu ku andacoonayaa inuusan wax caawinaad ah ka helin saaxiibadiis si uu abaalmarintaas ugu guuleysto, gaar ahaan wuxuu si daran kaga carooday tababare Carlo Ancelotti oo aan mudnaan siinin innuu ciyaartoyda kala dar-daarmo maalintii ugu dambeysay.

“Robert wuxuu ii sheegay inuusan helin wax caawinaad ah tababarahana uusan ciyaartoyda ugu yeerin iney caawiyaan kulankii ugu dambeeyay si uu ugu guuleysto gooldhalinta” ayuu yiri Maik Barthel oo la hadlayay Kicker.

“Wuxuu u niyad jabay si aan waligey ka arkin, wuxuu dhabtii rajeynayay in kooda ay si firfircoon u caawin doonto”

“Wax badan ma aysan sii dhibaateyn, balse waxey aheyd markii ugu horeysay, laga yaabee, sababtoo ah gabi ahaanba kuma qnacin qaabka ay ii caawiyeen” ayuu yiri Lewy oo oo la hadayay ESPN.

“Isla markaiiba uu dhamaaday kulanka, waan xanaaqay, waan ka niyad jabay kooxdeyda, sidaas ayuuna ahaa dareenkeyga”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments