Ricardo Kaka Sheegay In Finalka Champions Leaque-ga Ee Cardiff Uu Taageeri Doono Real Madrid Iyo Dani Alves.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, May 20, 2017

Xidiga kooxda Orlando City horeyna u soo maray kooxda Real Madrid ee Ricardo Kaka ayaa wuxuu si weyn kaga hadlay kulanka finalka Champions League-ga ee dhax mari doono kooxaha Real Madrid iyo Juventus, wuxuuna daboolka kasii qaaday kooxda uu taageeri doono finalka ka dhici doono magaalada Cardiff ee dalka Weles, xili sidoo kale uu amaan u soo jeediyay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Dani Alves.

Ricardo Kaka ayaa kasoo muuqday kulan uu la yeeshay wargeyska “Gazzetta dello Sport” waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “waa kulan final aad u xiiso badan Dani Alves, Cristiano Ronaldo iyo Higuain waxay noqon doonaan furayaasha kulankan, Los Merengues waxay ka hor imaan doontaa difaacyada birta ah ee Juventus, waa kulan dhamaantayada aan si weyn u wada daawan doono”.

Xidigii hore kooxda Real Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Cristiano Ronaldo waa halista ugu xoogan ee Juventus kaga imaan karya dhanka kooxda Real Madrid, si la mid ah  Higuain ayaa isna halis ku noqon kara Los Merengues, xili ay jirto inaan meesha ka saarin  halista Dani Alves maadaama uu ku qaadanayo safka kooxda Juventus waayo wanaagsan, wuxuuna u qalmaa amaan kastaa ee kaga imaaneysa shaqsiyaadka qaar…hadaba waxaad wada sugeysaan ayaa ah cida aan taageeri doono, dabcan waxaa wanaagsan inaan ahaado dhanka kooxda Real Madrid”.

Ricardo Kaka ayaa qeyb kasoo noqday safka kooxda Los Merengues wuxuuna kusoo sugnaa inta u dhaxeysay sanadihii 2009-2013, laakiin xidiga reer Brazil ayaanan ku soo qaadan Santiago Bernabéu waayo wanaagsan, marka loo fiiriyo xiligiisii kooxda AC Milan oo u suura gashay in xitaa uu ku guuleyso abaal marinta Ballon d’Or, kadib markii uu u suura galiyay kooxda reer talyaani ku guuleysiga Champions League-ga xili ciyaareedkii 2006-2007.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments