Renato Tapia Oo Shaaca Ka Qaaday Wixii Uu U Sheegay Radamel Falcao Intii Ay Socotay Ciyaartii Colombia & Peru, Miyeyse Yahiin Arimo Murran Dhalin Kara?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Xulalka  Colombia iyo Peru ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 kulankii ugu dambeeyay isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America, natiijadaas waxey ka dhigtay in labada xul ay si kala duwan u rumeeyaan riyadooda koobka Aduunka.

Colombia waxey kusoo baxeen booska 4-aad, halka Peru ay kusoo baxday booska 5-aad taasoo ka dhigan iney play-off la ciyaari doonto New Zealand.

Waxaa jirta dhaleeceyno u imaanaya labada kooxood, madama lasoo bandhigay sawiro iyo muuqaalo ka turjumaya sida uu Radamel Falcao ugu qanciyay ciyaartoyda Peru ineysan ciyaarta dhinac u dhaqaajin madama ay faa’iido ugu jirto.

Si kastaba xidiga khadka dhexe Peru Renato Tapia ayaa ka hadlay wada sheekeysigii dhexmaray isaga iyo Falcao wuxuuna u waramayay Panamericana Television.

“Waxaan aheyn kuwa diirada saaraya kulanka, kadib shanta daqiiqo ee ugu dambeysay ayey Colombian-ka noo soo dhawaadeen”

“Wey ogaayeen xaaladda ka jirta garoomada kale”

“Ciyaarta waxaa loo maamulay sida ay aheyd in loo maamulo”

“Waxaan la hadlay Falcao, wuxuuna igu yiri  – inaan labadeena soo baxnay, sidaas darteed wey na farxad galisay arintaas”

Natiijada ayaana uga dhigneed in Peru ay ku dhameysatay meel ka sareysa Chile iyadoo kaliya ka sareysa farqiga goolasha.