Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Ku Dubatay Kooxda Legia Warsaw, Cristiano Ronaldo Oo Kulan Kale Sugi Doona Goolkiisa 100 Aad Iyo Los Blancos Oo Dhinac Iskaga Dhigtay Legia Oo Iska Caabin Kala Hortimid

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Real Madrid ayaa guul wayn Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda Legia Warsaw ee kulankii saddexaad ee heerka groupyada Champions Leaque-ga. Madrid ayaa guushan ku gaadhay 5:1 iyada oo Gareth Bale, Marco Asensio, Alvaro Morata iyo Lucas Vazqueg ay dhamaantood min hal gool dhaliyeen halka goolka kale uu ahaa mid iska dhalis ah.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid XI (4-3-3): Navas; Danilo, Pepe, Varane, Marcelo; Asensio, Kroos, James; Bale, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA:: Casilla, Carvajal, Nacho, Kovacic, Isco, Vazquez, Morata.

Legia Warsaw XI (4-2-3-1): Malarz; Bereszynski, Czerwinski, Rzezniczak, Hlousek; Jodlowiec, Moulin; Guilherme, Odjidja-Ofoe, Kucharczyk; Radovic.

KAYDKA: Cierzniak, Broz, Dabrowski, Kopczynski, Hamalainen, Qazaishvili, Nikolics.
real5

Real Madrid ayaa ciyaarta soo gashay iyada oo ah kooxda ugu cad cadayd in ay guul ku gaadhayso Bernabeu halka kooxda Legia Warsaw ay doonaysay in ay taariikh ku dhigto kulankan. Bilawgii ciyaartaba Real Madrid ayaa kubbad haynta la wareegtay basle kooxda Legia Warsaw ayaa samaysay fursadihii ugu halista badnaa iyada oo weeraro deg deg ah fursado fiican ku abuurtay.

DAQIIQADII 12 AAD BIRTA GOOLKA! Kooxda L.Warsaw ayaa heshay fursadeedii ugu halista badnayd ee bilawgii ciyaarta waxayna ugu dhawaatay in ay Real Madrid kaga yaabsato goolka furitaanka laakiin nasiib kooda ayaa xumaaday kadib markii uu Odjidja-Ofoe kubbad birta ugu garaacay Real Madrid isaga oo waliba si fiican uga adkaatay Navas. Alla maxay halis wayn ahayd!

DAQIIQADII 16 AAD GOOOOOOOL! Real Madrid ayaa fursad abuuristii badnayd ee ay ciyaarta ku bilaabatay goolkeeda furitaanka u badashay iyada oo Gareth Bale uu noqday xidiga u saxiixay goolkan kadib markii uu caawin ka helay Danilo Luiz da Silva kaas oo xidiga ree Wales ka caawiyay in uu albaabka u furo gool dhalinta Madrid, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Real Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 19 AAD GOOOOOOOL! Real Madrid ayaa heshay goolkeeda laabad iyada oo xidiga kooxda Legia Warsaw ee Tomasz Jodłowiec uu shabaqa kooxdiisa ku leexiyay kubbad uu darbeeyay Marcelo iyada oo marka h--e ay shaqo fiican soo qabteen Asensio iyo Benzema waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 21 AAD REKOODHE! Kooxda Legia Warsaw ayaa heshay fursadii ay kula iman lahayd goolkeeda furitaanka kadib markii uu Radovic uu shaqo fiican ka soo qabtay dhinaca bidix ee Real Madrid laakiin waxaa qalad ku galay Danilo taas oo keentay in Madrid rekoodhe lagu dhigo.

DAQIIQADII 22 AAD GOOOOOOOL!  Miroslav Radović ayaa markiiba kubbada qaatay wuxuuna rekoodhahan u sarifay goolka ay kooxdiisu ciyaarta dib ugu soo laabtay isaga oo markiisa ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Madrid hogaanka ciyaarta ku hayso. 562 daqiiqo kadib ayaa Navas laga dhaliyay gool Champions Leaque-ga ee kulamada Bernabeu.

DAQIIQADII 37 AAD GOOOOOOOL! Real Madrid ayaa la timid goolkeeda saddexaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay waxaana Los Blancos goolkan u saxiixay da’yarka Marco Asensio kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ee Champions Leaque-ga goolkan ku furtay wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu Ronaldo ka soo joojiyay xerada ganaaxa waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Madrid hogaanka ku sii dheeraysay.

Laakiin muuqaaladii ciyaarta laga qabtay ayaa muujiyay in ka hor inta aanu goolkan Marco Asensio dhalin in Danilo uu offside ku jiray kaas oo kubbada Ronaldo ugu soo karoosay xerada ganaaxa Legia Warsaw balse calanwadaha iyo garsooraha ayaan waxba samayn. Qaybtii h--e ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3:1 ay Madrid hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Real Madrid sii ahayd kooxda laga filan karayay goolka afraad halka Legia Warsaw ayay mararka qaar weeraro deg deg ah ay ku raadinaysay goolkeeda labaad. Laakiin Real Madrid ayaa ku ciyaaraysay si kalsooni ah.

DAQIIQADII 63 AAD Zidane ayaa sameeyay laba badal isaga oo ciyaarta ka saaray Gareth Bale iyo James Rodriguez wuxuuna kaydka uga yeedhay Alvaro Morata iyo Lucas Vazguez kuwaas oo markiiba saamayn wayn ku yeeshay ciyaarta.

DAQIIQADII 68 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa la timid goolkeeda afraad waxaana markan gool qurux badan taabashadiisii ugu horaysay indhaha ku xaday da’yarka Lucas Vázquez kaas oo darbo qurux badan kubbada la beegsaday iyada oo aan dhulka u dhicin laakiin shaqada uu Morata soo qabtay ayaa sidoo kale ahayd mid cajiib ah wuxuuna Morata sameeyay gool caawinta Vazquez waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Madrid ku xaaqayso Legia Warsaw.

Inkasta oo uu Vazquez goolkan dhaliyay markii uu ciyaarta ku jiray shan daqiiqo oo kaliya ayay Ronaldo dhibaato wayn ku ahayd in uu helo labada gool ee uu kulankan uga baahnaa si uu u gaadho goolkiisii 100 aad ee Champions Leaque-ga. Ronaldo ayaa u muuqday mid niyadjabsan isla markaana aan samayn karin dhaq dhaqaaqii uu ku dhalin lahaa goolasha uu doonayay. Sidoo kale Benzema ayaa awoodi waayay in uu fursado fiican ka faa’iideeyo.

DAQIIQADII 83 AAD Cristiano Ronaldo ayaa ugu dhawaaday in uu helo goolka uu sida wayn u baadi goobayay kadib markii uu kubbad fiican ka helay Karim Benzema laakiin xidiga ree Portugal ayaa iska lumiyay fursad dahabi ah oo uu gool ku dhalin karay.

DAQIIQADII 84 AAD GOOOOOOOOOOOL! Alavaro Morata ayaa markiisa ku biiray liiska ciyaartoyda Los Blancos goolasha kulankan uga dhalisay isaga oo si fiican u dhamaystiray kubbad uu cidhifka xerada ganaaxa Legia uu kaga soo qaatay Ronaldo, waxayna ciyaartu noqotay 5:1 ay Madrid ku gumaaayso kooxda martida ahayd ee Legia.

DAQIIQADII 88 AAD Cristiano Ronaldo ayaa darbo cajiib ah meel dhaw kaga tuuray goolka Legia Warsaw laakiin goolhayaha ayaa awooday in uu gacan kaliya iskaga saaro waxayna ahayd fursad loo fishay goolka laga sugayay Ronaldo, kubabda ayaana koorne u baxday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5:1 ay Real Madrid ku xasuuqday kooxda ree Poland ee Legia Warsaw, waxayna Real Madrid yeelatay 7 dhibcood. Dhinac kale kooxda Borussia Dortmund oo ay Real Madrid isku group yihiin ayaa 2:1 ku soo garaacday kooxda Sporting Lisbon taas oo la micno ah in Dortmund ay 7 dhibcood la wadaagto Real Madrid.

 

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. abuu 19-10-2016 at 3:39 pm - Reply

    kkkk iney ka dhamaatay penaldo waxaa ku cadeeynayo kooxdi xalay cml waa kuwuu ku xisaabtami jiray xalayne 90 daqiiqo iyo gool la,aan kooxdisa markey gool dhaliso ma farxo isaga inuu dhaliyo unbu rabaa

  2. axmed 19-10-2016 at 8:54 am - Reply

    wayka dhamaatay Ronaldo finish

Leave A Response