Real Madrid Oo Kusoo Laabatay Eden Hazard, Spurs Oo Weyn Karta Christen Eriksen & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waa lagu kala qeybsamay, kooxaha Premier League ma iibsan karaan ciyaartoy maadaamaa suuqooda uu xirmay 9-kii August maalin ka hor bilowga fasalka cusub, balse wali horyaalada kale ee yurub ayaa furan.

Waxaan idiin soo gudbineynaa dhamaan wararkii ay qoreen warbaahinta kubadda cagta, LaacibNet masuul kama noqon doonto dhabnimada wararkaan maadaama aan u xaglineyno warbaahintii qortay.


Goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak oo 25-jir ah ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Chelsea inkastoo kooxda reer London ay aqbashay iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo dhan 90 Malyan oo Pound. (Times)

Real Madrid ayaa diyaarineysa dalab dhan 200 Malyan oo Pound oo ay ka gudbineyso Eden Hazard kaas oo 27-jir. (Express)

Los Blancos ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhiganeysa  26-jirka reer Denmark iyo Tottenham Hotspur Christian Eriksen, hadii 32-jirka reer Croatia Luka Modric ay ku qancin weyso inuu sii joogo Santiago Bernabeu. (The Sun)

Daafaca Bayern Munich Jerome Boateng kaas oo 29-jir ah ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint Germain. (Abendzeitung).

Roberto Martinez iyo caawiyahiisa Thierry Henry ayaa laga yaabaa iney wada qabtaan shaqada Leicester City maadaama tababaraha haatan ee kooxda Claudio Puel loo qabtay laba kulan oo uu ku badbaadin karo shaqadiisa. (Mirror)

Unai Emery ayaa u sheegay 27-jirkiisa reer England Danny Welbeck inuu uga baahan yahay goolal iyo caawinaad badan isla markaana uu si adag u shaqeeyo fasalkaan. (Telegraph).

Paris Saint Germain ayaa la fahamsan yahay iney dooneyso 21-jirka reer France Ousmane Dembele kaas oo dareensan inuusan ku nagaan doonin Camp Nou. (Mundo Deportivo).

Kooxda Manchester United ayaa magacaabi doonta agaasime ciyaare markii ugu horreysay taariikhda. (Guardian).