Real Madrid Oo Kulanka Caawa Ee Legia Warsaw Noqon Doonta Kooxdii Ugu Horaysay Ee 400 Oo Kulan Ka Soo Muuqatay Tartamada Yurub

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Kooxda Real Madrid ayaa caawa tartanka Champions Leaque-ga ku ciyaari doonta garoonkeeda Santiago Bernabeu iyada oo soo dhawayn doonta kooxda  Legia Warsaw, waxayna noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee 400   oo kulan ka soo muuqatay tartamada Yurub. Los Blancos oo sidoo kale ah kooxda koobabka ugu badan  ee Yurub ku soo guulasytay ayaa caawa u dabaal degi doonta kulankeedii 400 aad ee kulamada tartamada yurub.

Image result for Real Madrid 11 Champions league cups

Waxaa ugu soo dhaw kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona oo min 313 kulan iyo 208 kulan ka soo muuqday tartamada yurub sida ay u kala horeeyaan. Real Madrid ayaa kulankii ugu horeeyay ee tartan Yurub ah ciyaartay September 1955 markaas oo ay ka hortimid kooxda ree Switzerland ee Servette, wuxuuna ahaa sanadkii la bilaabay tartanka kooxaha Yurub.

Real Madrid ayaa sidoo kale ah kooxda kulamada ugu badan guulo ka soo gaadhay tartamada yurub waxayna soo guulaysatay 237 kulan oo tartamada Yurub ah. Real Madrid ayaa 11 koob kaga soo guulasytay tartanka Champions Leaque-ga ee ay caawa la ciyaari doonto kooxda  Legia Warsaw, waxayna doonaysaa in markale isku daydo in ay kooban difaacato. real-madrid

Real Madrid ayaa guushii ugu waynayd ee tartanka yurub ka gaadhay  B 1913 kulan Madrid ka dhacay markii ay taariikhdu ahayd 25/10/1961 halka guuldaradii ugu waynayd ay kala kulantay kooxaha AC Milan iyo Kaiserslautern oo min 5:0 Madrid ku xasuuqay waxaana kulamadan la ciyaaray 19/04/1989, Milan 5-0 Real Madrid iyo 17/03/1982, Kaiserslautern 5-0 Real Madrid.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sulley 18-10-2016 at 11:39 pm - Reply

    Hala Madrid meel walba waa hormuud iyo Amir laga danbeeyo.
    that is why I Supprt the Los Blancos

Leave A Response