Real Madrid Oo Iska Xaadirsay Wareega 16ka Kooxood Ee Copa Del Rey, Mariano Diaz Oo Saddexley Dhaliyay Xili Wiilka Zidane Ee Enzo Zidane Uu Goolkiisii Ugu Horeeyay U Saxiixay Los Blancos

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 16 ka kooxood ee tartanka Copa Del Rey kadib markii ay 6:1 ku garaacday kooxda Cultural Leonesa iyada oo celcelis ahaan labadii kulan ee wareega 32 ka kooxood kooxdan ku garaacday 13:2. Inkasta oo uu Zidane nasiyay ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa ayuu haddana kulankani muhiim u ahaa ciyaartoyda da’yarta Madrid iyo qaar ka mid ah xidigaha aan fursada badan u helin kulamada waa wayn.

Da’yarka Mariano Diaz ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay halka wiilka Zidine ee Enzo Zidane uu goolkiisii ugu horeeyay kooxda kowaad ee Los Blancos kulankan uga dhaliyay isaga oo goolkan dhaliyay markii uu 17 daqiiqo ciyaarta ku jiray wuxuuna kulankani ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah oo uu kooxda kowaad u safto.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid: (4-3-3): Casilla; Carvajal, Pepe, Nacho, Tejero; Isco, Casemiro, James; Odegaard, Diaz, Asensio.

Kaydka:Yanez, Varane, Kovacic, Vazquez, Enzo.

Leonesa (4-2-3-1): Leandro; Diaz, Garrido, Morgado, Bastos; Cristobal, Yeray; Gallar, Villa, Orti; Benja.

Kaydka:Martinez, Abdulsalam, Palatsi, Zuiverloon, Moreno.

DAQIIQADII 1 AAD GOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa daqiiqadii kowaad ee kulankan la timid goolkeeda furitaanka kadib markii uu da’yarka Mariano Díaz uu didaaca Cultural Leonesa uu ku ciqaabay qalad uu sameeyay wuxuuna markiiba hogaanka u dhiibay kooxdiisa Madrid isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0.

DAQIIQADII 23 AAD GOOOOOOOOOL! James David Rodríguez ayaa kooxdiisa Madrid udhaliyay gool qurux badan oo madax ah kadib markii uu gool caawin fiican ka helay Dani Carvajal oo kubbad ka soo karoosay dhinaca midig wuxuuna xidiga ree Colombia ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 42 AAD GOOOOOOOOOL! Mariano Díaz gool uu si cajiib ah u dhamaystiray ku dhaliyay goolkiisa labaad ee kulankan isaga Los Blancos ka caawiyay in ay ciyaarta xili horeba hurdada u dirto wuxuuna mishiinka gool dhalinta Real Madrid B ee Mariano Díaz uu ciyaarta ka dhigay 3:0 ay aan jawaab lahayn.

DAQIIQADII 45 AAD GOOOOOOOOOOL! Kooxda martida ahayd ee Cultural Leonesa ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana gool layaableh u saxiixay Yeray González kaas oo Kiko Casilla ka yaabsaday wuxuuna darbo cajiib ah ku dhaliyay goolka ay jamaahiirta martida ahayd sida wayn ugu sare kacday, qaybtii h--e ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3:1 ay Real Madrid hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Zidane ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Isco iyo Carvajal wuxuuna kaydka uga yeedhay wiilkiisa Enzo Zidane iyo Raphaël Varane. Enzo Zidane ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah ka soo muuqday kooxda kowaad ee Real Madrid.

DAQIIQADII 63 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Alla maxay waqti fiican u ahayd!. Wiilka tababare Zinedine Zidane ee  Enzo Alan Zidane ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee rasmiga ah ee uu Real Madrid u safto daqiiqado kooban ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Real Madrid ku xaaqayso Cultural. 17 daqiiqo oo kaliya ayuu ciyaarta ku jiray markii uu goolkan taariikhiga ah dhaliyay.

DAQIIQADII 87 AAD GOOOOOOOOOL! Mariano Díaz ayaa markan dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay wuxuuna Zidane tusay in uu doorasho fiican u yahay haddii uu safka weerarkiisa uga baahdo wuxuuna Mariano ciyaarta ka dhigay 5:1 ay Madrid ku xasuuqayso kooxda Cultural. Mariano Díaz ayaa h--e gool dhalin cajiib ah ugu soo bandhigay kooxda Madrid B ee Casilla.

DAQIIQADII 90 AAD GOOOOOOOL! Kooxda Cultural Leonesa ayaa xaalada isku sii xumaysay waxaana goolka lixaad ee Real Madrid iska dhaliyay  César Morgado Ortega kaas oo si qaldan shabaqa kooxdiisa kubbada ugu duway waxayna ciyaartu ku dhamaatay 6:1 ay Real Madrid markale ku xaaqday kooxda  Cultural Leonesa isla markaana ay ugu soo baxday wareega 16 ka kooxood ee koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. ayaanle 01-12-2016 at 8:55 am - Reply

    Boqorka Kubada cagta aduunka hala Madrid

Leave A Response