Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Afar Dhamaadka Champions League, CR7 Oo Saddexley Ka Dhaliyay Toban Ciyaartoy Oo Bayern Munich Ah & Muran Xoogan Oo Kulankan Hadheeyay.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Real Madrid ayaa iska xaadirisay afar dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay toban ciyaartoy oo  Bayern Munich ah ay waqtiga dheeriga ahaa ku garaacday. Kulankan ayaa ahaa mid uu si wayn u hadheeyay muran kadib markii uu garsooruhu kaadhka cas u taagay Arturo Vidal oo taakal uu kubbada taabtay ku galay Marco Asensio halka sidoo kale Cristiano Ronaldo uu dhaliyay gool offside cadaan ah,halka goolkiisa saddexaad uu sidoo kale ahaa mid dood wayni ay ka dhalatay, basle  waxayna sidoo kale Bayern Munich ka cadhaysnayd in Casemiro uu ciyaarta baaqi ku sii ahaa.

Cristiano Ronaldo ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay  waxaana goolka kale raacsaday da’yarka  Marco Asensio waxayna Bayern Munich macasalaamaysay Champions Leaque-ga inkasta oo Carlo Ancelotti uu cadho wayn ka qaaday go’aanada kooxdiisa dhibaatada wayn u gaystay. Ronaldo ayaa kulankan gaadhay goolkiisii 100 aad ee Champions Leaque-ga halka isla kulankii Bayern Munich ee hore uu gaadhay goolkiisii 100 aad ee tartamada UEFA oo dhan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID(4-3-3): Navas; Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA: James, Casilla, Kovacic, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Morata, Danilo.

BAYERN MUNICH (4-3-3): Neuer; Lahm, Hummels, Boateng, Alaba; Vidal, Alonso, Thiago; Robben, Lewandowski, Ribery.

KAYDKA:Douglas Costa, Rafinha, Bernat, Muller, Ulreich, Coman, Kimmich.

Bayern Munich ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed duufaan ah waxayna u muuqatay mid dhibaato badan ku abuuri kartay Real Madrid. Kooxda Carlo Ancelotti ayaa si xoogan uga weerar tagaysay labada baalood ee ay kala joogeen Frank Ribery oo kulankan qaab ciyaareed layaableh ku bilawday iyo Arjen Robben aan sidii Allainz Arena u fiicnayn, balse sidoo kale Bayern ayaa markiiba la wareegtay kubbada iyada oo khadka dhexe ee Real Madrid uu culays badani saarmay.

Laakiin Real Madrid ayaa ciyaarta si gaabi ah ugu soo laabanaysay wuxuuna qorshaha kooxda Zidane ahaa in ay marka hore natiijada ciyaarta si wada jir ah u difaacdaan isla markaana ay weeraro deg deg ah qaadaan isla markana ay kubbada dib u helaan.

DAQIIQADII 9 AAD Bayern Munich ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee ciyaarta oo ahayd mid layaableh isla markaana ay Real Madrid awooday in ay iska badbaadiso laba fursadood oo xidhiidh ah waxaana dhinaca bidix si qurux badan iskaga soo xidhmay Alaba iyo Ribery, iyada oo Ribery uu kubbada la horyimid goolka Madrid wuxuuna u bixiyay Thiago laakiin darbo uu goolka hortiisa kaga taabtay ayuu Marcelo si cajiib ah u daboolay balse kubbada ayuu Robben dib u helay wuxuuna darbada uu goolka ku dhalin lahaa dulmariyay birta goolka.

Bayern Munich ayaa weeraro isdaba joog ah ooda kaga qaaday Real Madrid balse kooxda Ancelotti ayay dhibaato wayn ku noqotay qaabkii ay ku gaadhi lahayd goolka Real Madrid waxaana la filan karayay in Bavaria ay heli kartay goolka furitaanka, laakin markan Real Madrid ayaa bilawday in ay madaxa sare u qaado oo ay raadiso goolka furitaanka.

DAQIIQADII 25 AAD Dani Caravajal ayaa nasiibkisa ka tijaabiyay meel ka baxsan xerada ganaaxa bayern Munich laakiin goolhaye Manuel Neuer ayaa kubbada iska leexiyay wuxuuna u saaray banaanka balse garsooraha ayaan tilmaamin in ay koorne tahay iyada oo Carvajal uu si wayn ugu dooday.

DAQIIQADII 27 AAD Real Madrid ayaa markeeda heshay fursad layaableh oo ay jamaahiirta Bernabeu u fisheen goolka furitaanka kadib markii kubbad koorne ahayd ay Bayern Munich si fiican iskaga saari kari wayday laakiin Sergio Ramos ayaa helay banaan wayn oo uu kubbada si fiican ugu maamulan karo wuxuuna darbo xoogan ku tuuray goolka Bayern oo u muuqday mid uu gaadhayo laaliin Jerome Boateng ayaa markiisa sameeyay daboolid layaableh si uu Real Madrid gool uga beeniyo.

DAQIIQADII 35 AAD Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa kubbada kula soo baxay hal difaac oo Bayern Munich ah laakin xidga ree Portugal ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursad dahabi ahayd isaga oo naftiisa ka hor mariyay saaxiibkiisa Karim Benzema oo goob banaan ah ku sugayay kubbada uu Ronaldo kala soo xarooday dhinaca midig balse Ronaldo ayaa darbo aan waxba taran tuuray.

Wax kasta oo garoonka Bernabeu ka dhacay qaybtii hore ee ciyaarta ayayna labada kooxood awoodin ay wax goolal ah kala dhaliyaan laakiin waxay ahayd mid aan la rumaysan karin in fursadihii la abuuray aanu mid ka mid ahi gool ku dhalaan, waxaana lagu kala nastay babraro gool la’aan ah oo ay Real Madrid wali ku soo baxsanayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta waxay Bayern Munich la soo baxday duufaan kale oo layaableh waxayna bilawday in ay Real Madrid ka dhigto kuwo garoonka dhex taag taagan. Real Madrid ayaa markan u muuqatay mid aan u adkaysan karin weerarka cajiibka ahaa ee Bayern.

DAQIIQADII 50 AAD Arjen Robben ayaa u muuqday in uu dhaliyay goolka furitaanka Bayern Munich isaga oo waliba Navas si fiican u garaacay balse Marcelo ayaa si aan caadi ahayn u awooday in uu kubbada ku joojiyo xariiqda goolka dushiisa waxayna ahayd fursad kale oo ka mid ah kuwii aan goolasha lagu dhalin.

DAQIIQADII 51 AAD REKOODHE!! Casemiro ayaa kooxdiisa inkaar ka shaqaystay kadib markii uu isku taabtay  Arjen Robben oo kubbada xerada ganaaxa Real Madrid kala soo galay dhinaca bidix wuxuuna garsooruhu si aan shaki lahayn uu markii u tilmaamay gool ku laad uu Bayern Munich ku abaal mariyay.

DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!! Robert Lewandowski ayaa kubbada qaatay wuxuuna hor dhigtay goolka Real Madrid waxana diyaar garoobay goolhaye Navas laakiin xidiga ree Poland ayaa si degan u garaacay Navas isaga oo waliba jahada qaldan u diray goolhayaha Madrid waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bayern ugu danbayn hogaanka hogaanka ku qabtay.

Bayern Munich ayaa sii watay dagaalka aan loo kala hadhin ee ay ku raadinaysay goolka labaad laakiin wali dhibta ugu wayn ee haysatay ayaa ahayd in ay luminaysay fursado tiro badan. Daqiiqadii 64 aad Zidane ayaa u adkaysan waayay culayska kooxdiisa haystay wuxuuna ciyaarta ka saaray Karim Benzema oo ciyaarta ku dhex lumay wuxuuna kaydka uga yeedhay da’yarka Marco Asensio.

DAQIIQADII 71 Ancelotti ayaa isna sameeyay isbadalkiisa ugu horeeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Franck Bilal Ribéry  oo kulan fiican qaatay wuxuuna kaydka uga yeehday Douglas Costa sidoo kale Zidane ayaa isla daqiiqadan ciyaarta ka saaray Francisco Isco wuxuuna kayka uga yeedhay Lucas Vazguez balse ciyaarta ayaa noqtay mid sii adkaatay. Alonso ayaa sidoo kale lagu soo badalay Thomas Müller.

DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Alla muxuu gool ahaa!!  Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayn ciyaarta uu dhex qarsoonaa ka soo dhex baxay wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka barbaraha kadib markii uu Casemiro kubbad si cajiib ah ugu soo guulaystay wuxuuna Ronaldo kubbada si fiican uga dhex qaatay difaaca Bayern isaga oo waliba goolhaye Manuel Neuer si fiican u garaacay waxayna ciyaartu noqotay babraro 1:1 ah oo ay Madrid xaalada ugu sii adkaysay Bayern.

DAQIIQADII 77 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! daqiiqad gudaheed Real Madrid ayaa musiibo dhex gashay kadib markii uu Sergio Ramos si lama filaan ah iskaga dhaliyay goolka ay markale Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku qabtay wuxuuna Ramos cadaadis kala kulmay  Muller iyo Lewandowski laakiin kubbada uu sida sahlan u taabtay ee uu filayay in Navas uu awoodi doono in uu iska saaro ayaa goolhayaha iska dhaaftay  waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay markale Bayern hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 84 AAD WAQTIGII MURANKA!! KAADHKA CAS!! Arturo Vidal ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii kubbada ka taabtay isla markaana uu si fiican oo aan qalad lahayn uu taakal ugu sameeyay Marco Asensio laakiin garsooraha ayaa kaadhka digniinta ah ku bixiyay si muran wayni uu ku jiro waxayna ciyaartoyda Bayern Munich iyo Ancelotti ay muujiyeen cadho wayn iyada oo waqti yar ka hor uu Casemiro oo kaadhka digniinta ah haystay uu qalad ku galay Robben, waxaana waqti Bayern ay raadinaysay goolka  ay ku soo baxi kartay soo gaadhay dhibaato wayn.

Real Madrid ayaa markan awooday in ay kubbada la qaybsan karto Bayern Munich oo ay raadiso  goolka barbaraha kaas oo ka caawin karayay in ay u soo baxdo afar dhamaadka Champions Leaque-ga laakiin Real Madrid oo markan haystay fursad wayn maadaama oo uu Vidal oo shaqo adag hayay uu casaanka qaatay ayaa haddana awoodi wayday in ay wax gool ah la timaado.

Ancelotti ayaa dhamaadkii ciyaarta badalay Robert Lewandowski wuxuuna kaydka uga yeedhay Joshua Kimmich  balse waqtigii rasmiga ahaa ku dhamaaday 2:1 ay Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku haysay balse natiijada labada kulan ayaa ahayd barbaro 3:3 ah sidaana waxaa ciyaarta loogu daray waqti dheeri ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

Real Madrid ayaa 30 kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray haysatay fursada ugu fiican maadaama oo ay Bayern Munich 10 ciyaarto ahayd balse kooxda Ancelotti ayaa wali ciyaarta baaqi ku sii ahayd. Daqiiqadii 97 aad Ronaldo ayaa darbo uu meel fog ka soo tuuray ku xanuuniyay goolhaye Neuer kaas oo awooday in uu kubbada dirqi iskaga joojiyo.

Laakiin Bayern Munich ayaa markeeda heshay fursad ay gool kaga hormari kartay Real Madrid iyo oo Robben uu fursad cajiib ah u abuuray Costa laakiin xidiga ree Brazil ayaa halkii uu goolka oo uu horjoogay toogan lahaa go’aan qaldan gaadhay wuxuuna kubbada hormariyay goolka Madrid.

DAQIIQADII 104 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Real Madrid ayaa markale garsooraha iyo calanwadayaasha ka heshay go’aan kale oo si wayn uga cadhaysiiyay Bayern Munich kadib markii Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka barbarha ee Real Madrid waxaana Ronaldo kubbada u soo tuuray Sergio Ramos wuxuuna si fiican u dhamaystiray goolkan Bayern Munich niyad jabiyay waxaanada sida aad sawirka ka arki karo uu Ronaldo uu si cad ugu jiray offside waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

DAQIIQADII 109 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!! Real Madrid ayaa markan heshay goolka ay ciyaarta ku disay ee ugu danbayn markeeda hogaanka ciyaarta ugu qabtay waxaana saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay Cristaino Ronaldo balse waxaa si layaableh kubbada uga soo shaqeeyay Marcelo Vieira kasa oo Ronaldo hadiyad uga dhigay goolkan wuxuuna ku horsiiyay goolka Bayern oo madhan waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku qabtay. balse markale Ronaldo ayaa offide ku jiray.

DAQIIQADII 112 AAD  Marco Asensio ayaa ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu dhaliyay goolka afraad ee Real Madrid waxayna markan Bayern Munich noqotay koox ay niyadjabiyeen goolasha Madrid iyo go’aanada lala yaabay ee ay garsoorku ka sameeyeen kulan sidan u wayn waxayna ciyaartu noqotay 4:2 ay Real Madrid ku dubanayso Bayern Munich.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Real Madrid waqtigii dheeriga ahaa ku dubatay toban ciyaartoy oo Bayern Munich wuxuuna sidaa Zidane tartanka Champions Leaque-ga uga cidhibtiray kooxda uu hogaaminayay macalinkii uu caawiyaha u ahaa ee Carlo Ancelotti. Real Madrid ayaa celcelis ahaan ku soo baxday 6:3. Ronaldo oo kulankan saddexley ka dhaliyay ayaa gaadhay goolkiisii 100 aad ee Champions Leaque-ga.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments