Real Madrid Oo Haddaba Xidhiidh La Samaysay Wakiilada Eden Hazard Iyo Florentino Perez Oo Bilaabay Hawlgalo Uu Isbadalo Waa Wayn Kaga Samayn Doono Santiago Bernabeu.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Jan 10, 2018

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diyaar u ah in uu isbadal wayn ka sameeyo kooxda uu hadda Zidane Zidane ku haysto Santiago Bernabeu ee xaalada adag ku jirta waxayna hadda maamulka Madrid xidhiidh la sameeyeen mid ka mid ah bartilmaameedkooda ugu muhiimsan ee Eden Hazard iyaga oo u sii maray wakiiladiisa si ay iskugu dayaan in uu ka mid noqdo dib u haynta wayn ee Los Blancos lagu samayn doono.

Sida lagu daabacay wargayska AS isla markaana laga baahiyay idaacada Radio Montecarlo, waxay Real Madrid xidhiidh la samaysay dadka ku xeeran Eden Hazard kaas oo uu dhawaan aabihii xaqiijiyay in uu dyaar u yahay ku biirista Real madrid. Ma aha markii ugu horaysay ee ay Real Madrid xiisaynayso saxiixa Hazard, balse markan waxaa ka go’an Perez iyo maamulkiisa in ay kooxdooda xoojin wayn u sameeyeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Eden Hazard uu iska diiday laba dalab oo ay maamulka kooxdiisa Chelsea u soo bandhigeen kuwaas oo uu xataa ku noqon karo xidiga Premier League ugu mushaarka badan, laakiin Hazard oo aan qarsoodi ka dhigan sida uu u jecel yahay Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu Bernabeu ku biiro.

Eden Hazard ayaa Chelsea heshiis kula jira ilaa sanadka 2020  laakiin Chelsea ayaa doonaysa in aanu galin labada sano ee qandaraaskiisa Stamford Bridge ugu danbeeya taas oo xaalada ku sii adkayn karta maadaama oo uu haddaba diidan yahay in uu qalinka ku duugo qandaraas cusub si uu fursad ugu helo haddii ay Madrid soo dalbato.

Eden Hazard ayaa la sheegay in qandaraaska cusub ee ay Chelsea u soo bandhigtay uu sanadkii ku qaadan karo 17.6 milyan euros iyada oo waliba Chelsea diyaar u ah in uu Paul Pogba oo ugu mushaar qaalisan Premier League uu ka sare maro balse xaalada ka soo cusboonaatay Madrid ayaa halis galinaysa in xidig kale oo Premier League ahi isla markaana tayo sare lihi uu La Liga ku biiri karo.

Thierry Hazard oo ah Eden Hazard aabihii ayaa dhawaan yidhi: “Isagu waxa uu iska diiday qorshaha uu heshiiskiisa ku kordhin kari lahaa, sidaa daraadeed waxa uu awoodi doonaa haddii ay lagama maar maan noqoto xiisaha Real Madrid uga imanayaa”.

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan ku dhibtoonaysa horyaalka la Liga waxayna haddaba 16 dhibcood ka hoosaysaa Barcelona oo hogaanka haysa halka kooxaha Atletco Madrid iyo Valencia ay Madrid ka saareeyaan wuxuuna Florentino Perez doonayaa in dhamaadka xili ciyaareedkan uu dib u dhis wayn ku sameeyo kooxda uu Zidane hogaaminayo iyada Hazard uu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee Bernabeu laga doonayo.

Si kasta ha ahaatee, warka cusub ee lagu baahiyay idaacada Radio Montecarlo ee ah in maamulka Madrid ay xidhiidh la sameeyeen wakiilaada Eden Hazard ayaa culayska sii saaraysa maamulka Chelsea oo haddaba ku mashquulsanaa sidii ay Hazard ugu qancin lahaayeen in uu qandaraas cusub saxiixo.

 

11 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Khadar Deeq qawdhan 10-01-2018 at 7:45 pm -

    Hazard waligiiba waa jeclaa inuu noqdo mid ka mid ah players real Madrid lkn wakhti iyo chance uun baa intaa u saacidi wayday lkn imika waa xiligii uu xilka kale wareegi lahaa C.R7 kkkk markaa waa loo yaabaa reer Barcelona

  2. Sharma 10-01-2018 at 6:11 pm -

    Hazard haduu Real tago waxa u fududaneyso in u balondor Ku guleysto lkn haduu waligii chalsea jogo ma urinayo

    CR7
    Waqtigisa wa u dhamaday

  3. Sharma 10-01-2018 at 6:05 pm -

    Hazard is a pig player so Real Madrid is better for him isn’t it

  4. Cabdinasir 10-01-2018 at 5:55 pm -

    War hazard meel umasocdo awalba wuxuu rabay in misharka lokordhoyo oo ciyartoga ugu qalisan premier league ayuu rabey hadana wuu noqday hada sanadkii mishaar ahaan wuxuu qadanayaa 17,5 milyon halka ciyartoga labad uu noqonayo bogba oo markii hore ahaa ciyartoga ugu qalisan premier League uu qadanayay 15,3 milyon hazard wuxuu jogayaa chelsae ama diid ama doon

  5. abbas hazard 10-01-2018 at 3:38 pm -

    Blues forever😍😍😍😍

  6. abbas hazard 10-01-2018 at 3:37 pm -

    For me hazard is attacking player
    and chalsea is defensive team
    so he must look after his fure
    it doesn’t matter we chalsea we big team
    but i would like to see hom (Losblancos)

  7. c/ raxmaan maxamed aadan 10-01-2018 at 1:06 pm -

    ciyaaruhu waxay xiiso yeelanayaan markey yimaadaan real hasard and kane op markaas Ayaan doonayaa inaan wada ciuaarno el-classico dee ileyn waxan ahay taageere Barcelona shaxda 2da kooxood XI
    TER SEGAN ROBERTO PIQUE UMMTITI ALBA RAKA TIC BOSQUETS INEASTA COUNTIHO SUAREZ MESSI
    REAL NAVAS CARVAJAL RAMOS VARENE MARCELO KROOS MODRIC CASAMERO RONALDO HAZARD KANE WAAAW CLASSIC

  8. mohaa 10-01-2018 at 12:27 pm -

    runti hanzad meel uma socdo anaga manihin sida liverpool oo xabad kii uso baxo cuneso oo

  9. jamal ayanle ali 10-01-2018 at 11:33 am -

    wxn kula talinlahaa hazard inuu ku piiro real Madrid

  10. mohamed nor 10-01-2018 at 11:17 am -

    run’ahanti hazarad waa xidiga ugu muhiimsan kooxda waxaa rajeyna inuu siijogo bules

  11. Gulled 10-01-2018 at 10:47 am -

    Blues haday wayso hazard waxya heli karan mida isga kaafican