Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay Toban Ciyaartoy Oo Celta Vigo Ah, Ronaldo Oo Rekoodh Cusub Udhigay Horyaalada Yurub Iyo Los Blancos Oo Saddex Dhibcood Ku Qabtay Hogaanka La Ligaha.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, May 17, 2017

Real Madrid ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Celta Vigo oo ay la soo ciyaartay kulankii baaqiga u ahaa, waxayna Los Blancos hal dhibic u soo jirsatay in ay koobka La ligaha ku guulaysato. Cristiano Ronaldo ayaa kulankan taariikh cusub uga dhigay shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn isaga oo la wareegay rekoodhka 40 sanadood uu haystay halyaygii Tottenham ee Jimmy Greaves wuxuuna Ronaldo kulankan ka dhaliyay laba gool si uu Zidane iyo colkiisa uga caawiyo in ay koobka La ligaha labada gacamood ku si qabsadaan.

Celta Vigo ayaa ilaa daqiiqadii 62 aad toban ciyaartoy lagu soo yareeyay kadib markii kaadhka cas loo taagay  Iago Aspas oo laba kaadh oo digniin ah la siiyay waxaana goolka kaliya ee ay Celta Vigo kulankan kula timid u saxiixay  John Guidetti ka hor intii aanu Karim Benzema guusha u xaqiijin kooxdiisa Los Merengues. Dhamaadkii ciyaarta  Toni Kroos ayaa raacsaday goolka afraad ee Real Madrid.

Real Madrid ayaa kulanka Malaga uga baahan hal dhibic oo kaliya taas oo la micno ah in kooobka La Ligaha ay ku qaadi karto guul ama barbaro ay la gasho Malaga. Laakiin Real Madrid ayaa kulamada 38 aad ee maalinta La Ligaha ugu danbeeya iskeeni doonta iyada oo 3 dhibcood hogaanka kaga qabtay Barcelona.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Celta Vigo (4-2-3-1): Sergio Alvarez; Hugo Mallo, Gustavo Cabral, Facundo Roncaglia, Jonny Castro; Daniel Wass, Pablo Hernandez; Iago Aspas, Jozabed, Pione Sisto; John Guidetti.

Kaydka:: Ivan Villar, Andreu Fontas, Sergi Gomez, Pape Diop, Matias Diaz, Andrew Hjulsager, Claudio Beauvue.

Real Madrid (4-3-3): Keylor Navas; Danilo, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Isco, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Kiko Casilla, Nacho Fernandez, Fabio Coentrao, Marco Asensio, Mateo Kovacic, Lucas Vazquez, Alvaro Morata.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo u baahnayd in ay soo guulaysato si ay hal dhibic oo kaliya ugu jirsato ku guulaysiga koobka La Ligaha markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2012 kii, wuxuuna Zidane soo xushay shax xoogan si ayna wax qalad ah u samayn waqtigii xili ciyaareedka ugu muhiimsanaa.

DAQIIQADII 10 AAD Real Madrid ayaan waqti badan ku lumin ay la timaado gooka furitaanka waxaana goolkan u saxiixay Cristiano Ronaldo kadib markii uu Marcelo kubbad la soo ciyaaray Isco isla markaana uu Roncaglia isku dayay in uu kubbada iska difaaco laakiin kubbad ayaa leexatay dhinaca uu Ronaldo joogay wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka ay Madrid xili horeba kalsoonida ku heshay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Madrid hogaanka ku qabtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 367 aad ee uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay horyaaladii uu ka soo ciyaaray wuxuuna sidaa ku noqday xidigii abid shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn goolasha ugu badan ka dhaliyay wuxuuna dhaafay gool dhalintii halyaygii Tottenham ee  Jimmy Greaves kaas oo rekoodhkan ku haystay 366 gool oo uu Ronaldo hore u barbareeyay.

Laakiin Celta Vigo ayaa goolkan kaga jawaabtay weeraro badan balse waxay ku fashilantay in ay samayso dhamaystir ay ku gaadho goolka Madrid. Aspas, Jozabed, Sisto, Wass iyo  Guidetti ayaa shaqo badan u qabtay Celta Vigo waxayna heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen basle taasi way awoodi waayeen.

DAQIIQADII 35 AAD Celta Vigo ayaa ku dooday in ay heshay rekoodhe kadib markii uu Raphael Varane gacanta ku celiyay kubbad uu Aspas uu u soo karoosay Guidetti isla markaana ay ku raadinayeen goolka barbaraha laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin waxayna ahayd ciqaab uu xidiga ree France ka badbaaday oo uu kooxdiisa xaalad adag ku dhigi gaadhay.

Los Blancos ayaa raadinaysay goolkeeda labaad si ay xaalada ugu sii xumayso Celta Vigo isla markaana ay kalsoonu ugu hesho hogaanka ciyaarta ee ay ciyaarta u haysay balse qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku haysay waxayna kooxda Zidane 45 daqiiqo u jirtay in ay hal dhibic uga baahato kulanka Malaga.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba labada kooxood dardar ku bilawdeen iyaga oo qorshaha Real Madrid uu ahaa in ay sii adkaysato natiijada ay guusha ugu taagnayd halka Celta Vigo ay doonaysay in ay goolka barbaraha raadiso.

DAQIIQADII 48 AAD Real Madrid ayaa heshay goolkeeda labaad ee muhiimada khaaska ah u lahaa waxaana markale shaqaba goolkiisa labaad ku taabtay Cristiano Ronaldo laakiin aan xuso in Francisco Isco uu isna sameeyay gool caawintiisii labaad isla markaana uu Ronaldo u sahlay in uu dhaliyo laba gool oo kooxdooda ka caawiyay in ay labada gacamood ku sii qabsato koobka La Ligaha waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Madrid ku heshay goolka labaad ee kalsoonida.

DAQIIQADII 62 AAD Celta Vigo ayay xaaladu ku sii xumaatay kadib markii kaadhka cas loo taagay xidiga ay goolasha ka filaysay ee  Iago Aspas kaas oo la siiyay kaadhkiisa labaad ee digniinta ah

Sidoo kale Jonathan Castro ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay kadib markii uu garsooraha waydiiyay sababta uu Cristiano Ronaldo kaadhka digniinta ah ugu siin waayay in uu xerada ganaaxa isku dhex tuuray si uu rekoodhe ugu guulaysto waxayna ciyaartu noqotay mid isqabqabsi ah.

Laakiin sidoo kale garsooraha ayaan Ronaldo siin wax rekoodhe ah ama aan kaadhka digniinta ah tusin.Garsooraha ayaana sii waday in uu Celta Vigo kaadhadka digniinta ah ku taxo wuxuuna kaadhka saddexaad isla waqti kooban ku siiyay John Guidetti. Sidoo kale Casemiro ayaa kaadhka labaad ee digniinta ah ka badbaaday isaga oo sida Aspas ciyaarta ka bixi lahaa.

Ciyaarta ayaa noqotay nooc waali ah waxayna Celta Vigo wali sii waday in ay raadiyaan qaabkii ay shabaqa Real Madrid ku gaadhi laaheyeen, waxayna Real Madrid dhinaceeda ka doonaysay goolkii ay ciyaarta hurdada ugu diri lahayd.

DAQIIQADII 68 AAD Daniel Wass ayaa kubbad kula soo baxay goolka Real Madrid laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa sameeyay gool badbaadin cajiib ah si uu Wass uga beeniyo fursad uu goolka kula baxay oo la filayay in uu dhamaystirayo.

DAQIIQADII 69 AAD Celta Vigo ayaa heshay goolka daqiiqad ka hor laga beeniyay waxaana markan shabaqa Navas u dhaafay John Guidetti isaga oo cawin ka helay  Pione Sisto waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Real Madrid hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 70 AAD Waalida ciyaarta ee ka soo bilaabantay daqiiqadii 62 aad ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana goolka saddexaad markan heshay Real Madrid iyada oo Karim Benzema uu noqday xidiga Zidane iyo kooxdiisa u soo celiyay hogaankii labada gool ahaa waxaana caawinta goolkan magiciisa ku qoray  Marcelo Vieira waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Madrid markale ku heshay gool ay isku ilaalin karto.

DAQIIQADII 71 AAD Zidane ayaa ka cabsaday in Casemiro uu casaan qaato isaga oo arkayay in nasiib ku lahaa in sidii Aspas aan kaadhka labaad ee digniinta ah la siin waxaana ciyaarta laga saaray xidiga ree Brazil iyada oo Zidane uu kaydka uga yeehday Mateo Kovačić.

DAQIIQADII 75 AAD Cristiano Ronaldo ayaa lumiyay fursad aan la rumaysan karin taas oo uu ku dhalin karayay saddexleyda uu doonayay in uu dhamaystirto wuxuuna kubbada ku helay meel goolka Celta Vigo u jirta 12 yards isla markanaa goolka u furan!!.

DAQIIQADII 88 AAD  Toni Kroos ayaa kooxdiisa Real Madrid u dhaliyay goolkeeda afraad ee kadib markii uu gool caawin ka helay Karim Benzema waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Real Madrid ku sugaysay inta ciyaarta la dhamaystirayo.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Los Blancos ku soo xasuuqday toban ciyaartoy oo Celta Vigo ah waxayna Madrid haddaba labada gacmood ku sii qabsatay koobka La Ligaha oo ay ugu danbaysay markii uu Mouirnho u qaaday sanadkii 2012 kii. Zidane ayaa qarka u saaran in uu taariikh cusub u dhigo kooxdiisa Madrid wuxuuna kulanka Malaga uga baahan yahay hal dhibic oo kaliya.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments