Real Madrid Oo Durba Qorsheysay Badalka Cristiano Ronaldo – Ma Ahan Mbappe & Hazard – Diario Gol Ayaa ka Warbixisay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Real Madrid ayaa durba kasii fakartay badalka weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo kaas oo go’aan ku gaaray inuu isaga tago garoonka Santiago Bernabe waxeyna durba milicsatay garabka Borrusia Dortmund iyo qaranka France Ousmane Dembele.

Cristiano Ronaldo wuxuu ka carooday in loola dhaqmay sida dambiilaha isla markaana ay isagoo dambi la’aan ah ay waaxda canshuuraha ku eedeeyeen inuu khiyaamay lacag dhan 14.7 Malyan oo Euro.

Kabtanka Portugal wuxuu dalbanayaa inuu dib ugu laabto Manchester United sida ay sheegayaan wararka xanta ah ee ay saxaafadda qorayaan, balse Diario Gol waxey sheegtay in Real Madrid ay durba u dhaqaaqday soo xerogalinta Ousmane Dembele.

21-jirkaan heerka caalami waxaa si ba’an loola xiriirinayay Barcelona, balse Madrid ayaa dagaal culus la gali doonta iyadoo diyaar u ah iney Santiago keento xidigii hore Rennes.

Ousmane Dembele goor hore ayuu iska diiday inuu aado Real Madrid, madama uu aaminsanaa inuusan boos joogto ah ka heleynin, balse bixitaanka Ronaldo ayey macquul tahay iney ku dhiirigaliso aaditaanka Santiago.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments