Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Cristiano Ronaldo Ka Bixiso Lacagta Canshuurta Ee Loo Heysto Si Uu Kooxda U Sii Joogo

by Saed Balaleti | Sunday, Jun 18, 2017

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay Cristiano Ronaldo ka bixiyaan laagta canshuurta ee loo heysto si uu kooxda u sii joogo, sida ay qortay jariirada Ingariiska ee The Sun.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa sheegay inuu doonayo inuu isaga tago Spain ka dib markii lagu eedeeyay inuu dowlada Spain ka qiyaameeyay canshuur gaareysa 14 milyan yuro.

Waxaana uu aad uga carooday in lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaano canshuur taasoo keentay rabitaankiisa ah inuu ka tago Spain.

CR7 ayaa xitaa bedelay sawirka akoonkiisa Instagram isagoo ku bedelay sawir isagoo u ciyaaraya xulka dalkiisa ee Portugal.

Laakiin Real Madrid ayaa sameyn doonta wax walba oo ay ku ceshan karaan Ronaldo, waxaana ay diyaar la yihiin inay sannad kale ugu kordhiyaan qandaraaskiisa uu haatan ku qaato 365 kun ginni isbuucii islamarkaana ay ka bixiyaan lacag walba oo ay dowlada Spain ku sheegato ee la xiriirta kiiska canshuurta.

Kooxda reer Spain ayaa ka saxiixday xiddigaan heshiis uu 365 kun ginni ku qaadanayo isbuucii bishii November iyadoo heshiiskaas uu dhacayo 2021. Waxa uu haatan heli doonaa in loogu kordhiyo sannad kale iyo in la siiyo lacag uu isaga bixiyo ganaaxa uu kala kulmayo dowlada Spain.

Real Madrid ayaa dooneysa inay ceshato xiddigeeda oo ku hogaamiyay kooxda Champions League bishii la soo dhaafay, waxaana ay madaxiisa duldhigeen 175 milyan ginni.

Waxaa sidoo kale qandaraaskiisa haatan ee kooxda lagu burburin karaa 874 milyan ginni si ay kooxaha awood ugu yeeshaan inay la hadlaan ciyaaryahanka iyagoo aan soo marin Real Madrid.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments