Real Madrid Oo Dhibcihii Ugu Horeeyay Ee Xili CIyaareedkan Ku Soo Lumisay San Mames, Athletic Bilbao Oo Taako U Dhigtay Lopetegui Iyo Barcelona Oo Fursad Ka Heshay.

Real Madrid ayaa barbaro la soo gashay kooxda Athletic Bilbao iyada oo Los Blancos iska lumisay fursada ay ku sii ilaashan kartay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay ku soo jirtay waxayna kulanka Bilbao ku lumisay dhibcihii ugu horeeyay ee La Liga ee xili ciyaareedkan.

Athletic Bilbao ayaa qaybtii hore ee kulankan hogaanka ku haysay 1-0 kadib markii uu Iker Muniain goolkan u saxiixay laakiin Isco oo kaydka ka soo baxay ayaa Real Madrid ciyaarta dib ugu soo celiyay balse kooxda Lopetegui ayaa awoodi wayday in ay wax guul ah ku soo gaadho San Mames taas oo fursad siinaysa Barcelona oo hadda hogaanka La Liga kali ku noqotay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATHLETIC BILBAO (4-3-3): Unai Simon; Oscar De Marcos, Yeray Alvarez, Inigo Martinez, Yuri Berchiche; Raul Garcia, Dani Garcia, Benat Etxebarria; Markel Susaeta, Inaki Williams, Iker Muniain.

Kaydka: Mikel San Jose, Mikel Rico, Aritz Aduriz, Ander Capa, Mikel Balenziaga, Hodei Oleaga, Peru Nolaskoain.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Daniel Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo; Dani Ceballos, Toni Kroos, Luka Modric; Gareth Bale, Karim Benzema, Marco Asensio.

Kaydka: Keylor Navas, Nacho Fernandez, Mariano Diaz, Casemiro, Lucas Vazquez, Alvaro Odriozola, Isco.

DAQIIQADII 32 aad kooxda martida loo ahaa ee Athletic Bilbao ayaa la timid goolkeeda furitaanka kadib markii uu Iker Muniain uu dhaliyay goolka muhiimada kowayn u lahaa kooxdiisa wuxuuna Iker Muniain wax gool badbaadin ah u diiday Courtois oo uu Lupetegui kulankan ku soo bilaabay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Bilabo hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 36 AAD Athletic Bilbao ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad ee ciyaarta kadib markii uu Raul Garcia shabaqa ku gaadhay kubbad laaga xorta ah lagu soo tuuray laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay in goolkani aanu sharci ahayn oo uu offside ahaa.

Marco Asensio iyo Luka Modric ayaa fursadihii ugu fiicnaa u abuuray Real Madrid laakiin darbooyin ay goolal ku dhalin kareen ayuu goolhayaha Bilbao ka badbaadiyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay Athletic Bilbao hogaanka ciyarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Lupoetegui ayaa kaydka uga yeedhay Casemiro wuxuuna ciyaarta ka saaray Dani Ceballos waxayna Real Madrid doonaysay in ay ka soo kabsato goolka hogaanka ciyaarta qaybtii hore looga hayay.

DAQIIQADII 54 AAD dhibaato dhaawac ayaa soo gaadhay xidigii kooxda Bilboa goolka furitaanka u dhaliyay ee Muniain waxaana booskisa lagu soo buuxiyay Ander Capa.

Markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen, Lopetegui ayaa daqiiqadii 61 aad kaydka ka soo kiciyay Isco wuxuuna saaray Modric.

DAQIIQADII 63 AAD Isco ayaa markiiba saamayn cajiib ah garoonka la soo galay wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka barbaraha ee ay waqtiga badan soo raadinayeen isaga oo caawin ka helay Gareth Bale wuxuuna Isco markiiba ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 75 AAD Julen Lopetegui ayaa badalkiisa saddexaad ee ugu danbeeyay ka dhigtay Lucas Vázquez wuxuuna ciyaarta ka saaray Gareth Bale oo ayna habeenkiisii ahayn iyada oo markan la gaadhay waqtigii ugu xamaasada badnaa ee dhamaadkii ciyaarta.

Dadaal badan oo ay labada kooxood bixiyeen waxay awoodi waayeen in ay wax goolal kale ah dhaliyaan taas oo keentay in xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay barbaro ku galeen San Mames iyada oo Los Blancos dhibcihii ugu horeeyay ee La Liga kulankan ku lumisay.

Labada dhibcood ee ay Real Madrid lumisay waxay caawinaysaa kooxda Barca oo hadda ah kooxda kaliya ee guulo boqolkiiba boqol ah kaga taagan horyaalka La liga.

 

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Real ayadoo Ronaldo joogo ayey kabadin waaysay Atlantic bilbawa hada maay ka badin marka

  2. waan idin salaamay marka labaad waad mahadsantihiin waxaan rabaa inaad xasuuqii chelsea iyo qiimayntii noosoo gudbisaan

Comments are closed.