Real Madrid Oo Dhamaysatay Tababarkii Afraad Ee Usbuucan, Xidigaha Uu Zinedine Zidane Markale Dib U Helay Iyo Kuwii Seegay Tababarkii Maanta.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Oct 12, 2017

Real Madrid ayaa dhamaysatay tababarkii afraad ee uu Zidane usbuucan bixiyay laakiin tababarkii maanta ayaa ka duwanaa saddexdii tababar ee uu macalinka ree France bixiyay maalmihii la soo dhaafay maadaama oo uu xarunta tababarka kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay xidigo ka soo laabtay waajibaadkii xulka qarakooda, laakiin wali waxaa jira ciyaartoy Los Blancos ka sii maqnaan doono caalado caafimaad awgeed.

Waxaa xarunta tababarka ee Real Madrid dib ugu soo laabto ciyaartoydii xulalka qaramadooda uga soo qayb galay kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ee labadii usbuuc ee ugu danbeeyay la soo ciyaaray iyaga oo manata si buuxda uga qayb qaatay tababarkii uu Zidane bixiyay ee ka hor kulanka Getafe ee horyaalka La Liga.

Zidane ayaa maanta tababarka kooxdiisa ku helay ciyaartoy ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo oo xulka qarankiisa Portugal ka soo caawiyay in ay u soo baxaan koobka aduunka si la mid ah Luka Modric oo xulka qarankiisa Croatia kala soo dabaashay in ay seegaan koobka aduunka waxayna u soo baxeen kulamada Play-offka ee markale koobka aduunka loogu soo bixi karo.

Sergio Ramos, Isco, Nacho, Marco Asensio ayaa dhamaantood tababarki maanta ka soo muuqday iyaga oo Spain ka wada tirsan isla markaana ay koobka aduuka u soo baxeen laakiin Karim Benzema, Marcelo, Theo Hernandez iyo xidigihii aan ka qayb galin kulamadii caalamiga ahaa ayaa markale tababarkii maanta ka soo muuqday.

Toni Kroos oo xili hore ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa Germany kadib dhibaato feedhaha ka soo gaadhay ayaa si buuxda u qaadanayay tababarkii maanta wuxuuna diyaar u yahay kulanka Getafe laakiin waxaan tababarka ka soo xaadirin xidigaha kala ah Gareth Bale, Mateo Kovicic, Dani Carvajal iyo waliba goolhaye  Keylor Navas oo uu dhaawac ku soo gaadhay xulka qarankiisa Costa Rica.

Navas ayaa la filayaa in uu seegi doono kulanka Getafe wuxuuna sidoo kale shaki ku jiraa in diyaar u noqon karo kulanka Tottenham ee Champions Leaque taas oo fursad siinaysa Kiko Casillas kaas oo haddba isku diyaarinaya kulanka Getafe.Rapael Varane ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidigaha tababarkii maanta ka soo muuqday.

Ugu danbayn tababarkii maanta ee Real Madrid ayuu Zidane ku soo daray da’yarta Real Madrid B ee Óscar, Tejero, Cristo iyo goolhayaha da’yarka ah Darío kuwaas oo qayb ka ahaa tababarkii uu macalinka ree France bixiyay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments