Real Madrid Oo Bernabeu Ku Garaacday Borussia Dortmund Iyo Cristiano Ronaldo Oo Barbareeyay Rekoodhkii Gool Dhalinta Heerka Groupyada Champions Leaque Ee Uu Lionel Messi Haystay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 7, 2017

Real Madrid ayaa guul ku soo xidhatay heerka Groupyada Champions Leaque iyada oo guul 3-2 ah ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund oo dib uga soo kabsatay laba gool oo ay markii hore Madrid ku hormartay. Cristiano Ronaldo iyo da’yarka Mayoral ayaa qaybtii hore ee kulankan min hal gool dhaliay halka Dortmund dortmund laba goo u dhaliyay Aubameyang laakiin Lucas Vazguez ayaa dhamaadkii kulankan goolka saddexaad ciyaarta ku go’aamiyay.

Real Madrid oo markii horeba ogayd in ay kaalinta labaad kaga dhamaysanayso groupkeeda ayaa haddana arkagtay Tottenham oo guul wayn ka soo gaadhay kooxda APEOL taas oo keentay in kooxda ree England ay sii dheeraysatay dhibcihii ay heerka Groupyada ka heshay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid XI (4-3-3): Navas; Nacho, Varane, Ramos, Theo; Kovacic, Casemiro, Isco; Vazquez, Mayoral, Ronaldo.

Kaydka: Casilla, Marcelo, Llorente, Ceballos, Modric, Asensio, Benzema

Borussia Dortmund XI (3-4-2-1): Burki; Sokratis, Subotic, Schmelzer; Bartra, Sahin, Dahoud, Guerreiro; Pulisic, Kagawa; Aubameyang.

Kaydka:  Weidenfeller, Zagadou, Toprak, Weigel, Isak, Schurrle, Yarmolenko.

DAQIIQADII 8 AAD Real Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxayna waqti khaas ah u ahayd da’yarka uu Zidane kulankan ku soo bilaabay ee Borja Mayoral kaas oo kooxdiisa Los Blancos u dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu gool caawin ka helay Isco, wuxuuna da’yarkan ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta xili horeba kula wareegtay.

Real Madrid ayaa si buuxda u ahayd kooxda goolal kale laga filanayay iyada oo kubbad haynta iyo awooda ciyaarta markiiba la wareegtay halka Dortmund ay raadinaysay qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Madrid ee ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 12 AAD Cristiano Ronaldo ayaa halkiisa ka sii watay gool dhalintiisa cajiib ah ee uu xili ciyaareedkan kaga jiro Champions Leaque si ka duwan horyaalka La liga, wuxuuna kooxdiisa u dhalyay goolka labaad kaas oo ahaa goolkiisii 9 aad ee uu ka soo dhaliyay kulamadii heerka Goupyada ee xili ciyaareedkan, waxaana shaqo fiican soo qabtay Kovačić oo Ronaldo caawintan u sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

FAALO: Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta heerka Groupyada Champions Leaque ee uu Lionel Messi soo haystay wuxuuna goolkan uu Ronaldo dhaliyay ahaa goolkiisii 60 aad ee uu heerka groupyada Champions Leaque uu uga soo dhaliyay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid halka Messi uu rekoodhkan ku haystay 60 gool oo heerka Groupyada UCL kuwaas oo uu Barcelona u soo dhaliyay.

DAQIIQADII 43 AAD ee dhamaadkii qaybtii hore Dortmund ayaa la timid goolka ay rajadeeda ciyaarta dib ugu soo noolaysay waxaana goolkan u saxiixay Aubameyang kadib markii caawin ka helay Schmelzer waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Madrid hogaanka ciyarta ku haysay, sidaa ayaana qaybtii hore lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Dortmund soo laabtay iyada oo si xoogan u doonaysay in ay ciyaarta wax ka badasho oo ay la timaado goolka ay Madrid qaybtii hore hogaanka ciyaarta kaga haysay halka Los Blancos ay raadinaysay goolka labaad si ay hogaankii labada gool ahaa u soo ceshato.

DAQIIQADII 48 AAD Borussia Dortmund ayaa ciyaarta dib ugu soo labaabtay kadib markii uu  Aubameyang dhaliyay goolka labaad ee kulankan ee uu kooxdiisa ciyaarta si buuxda dib ugu soo celiyay laakiin difaaca Madrid ayaa qalad wayn u sameeyay  Aubameyang isaga oo boos cidlo ah ka toogtay Navas kaas oo isku daygii hore badbaadiyay laakiin xidiga ree Gabon ayaa mar labaadkii goolkan ku dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

Inta ugu badan qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay iyada oo koox waliba raadinaysya fursada ay kula iman karto goolka saddexaad laakiin Los Blancos oo marti loogu ahaa Bernabeu ayaa doonaysay inay jamaahiirta kooxdeeda farxad ku siiso goolka saddexaad si ay guul u gaadhi kato.

DAQIIQADII 81 AAD ugu danbayn Real Madrid ayaa jabisay iska caabintii Dortmund waxaana goolka saddexaad Madrid u keenay Lucas Vázquez kaas oo markiisa caawin ka helay Theo Heranndez oo kulankan ka mid ahaa ciyaartoyda fursada ku helay in Zidane uu ka fikirayay kulanka Sevilla, waxayna ciyaartu noqotay 3-2 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Dortmund ayaa markale doonaysay in ay ciyaarta dhaamaadkeeda la timaado goolka barbaraha laakiin Real Madrid ayaan markan wax qalad ah samayn waxayna awooday in ay ciyaarta ku dhamaayso qaabka ay guusha ugu taagnayd waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-2 ay Madird ku garaacday Dortmund.