Raul Gonzalez Oo Shaqo Cusub Laga Siiyay Real Madrid Iyo Nooca Shaqo Ay Tahay Oo La Ogaaday.

by Saed Balaleti | Tuesday, Jun 20, 2017

Shaqada cusub ee uu Raul Gonzalez ka qaban doono Real Madrid ayaa diyaariyay iyadoo jariirada AS ee ka soo baxda Madrid ay ogaatay in loo magacaabi doono caawiyaha maamulaha guud isagoo hoos tagi doona Jose Angel Sanchez oo ah gacanta midig ee madaxweyne Florentino Perez.

Sanchez ayaa ka qeyb qaata wadahadalada suuqa kala iisbiga, qandaraasyada, istaraatiijiyada dhaqaalaha iyo horumarinta suuqgeynta kooxda ee suuqa caalamiga.

Raul ayaa booskaan loo soo bandhigay madaama uu sumcad weyn ku leeyahay kubada cagta adduunka iyo khibradii ganacsi ee uu helay markii uu ku noolaa New York iyo xaqiiqda ah inuu halyeey ka soo ahaa Bernabeu.

Tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay markii uu u ciyaaraay New York Cosmos, Raul ayaa door ambasadoornimo kula shaqeynayay horyaalka La Liga. Waxa uu bartay gacansiga isboortiga, waxaana uu horumarin ku sameeyay barashada qaab dhismeedka kooxaha kubada cagta isagoo daraaseeyay sida ay u dhisan yihiin kooxaha NASL iyo MLS ka ciyaara.

39 jirkaan ayaa sidoo kale noqon doona isku xira agaasimayaasha kooxda iyo kooxda koowaad, iyadoo Raul uu dhawaan u la safray kooxda finalkii Champions League.

3da bisha July ayaa ah taariikhda loo calaamadeeyay in ciyaaryahankii hore Raul inuu la wareego shaqadiisa cusub ee Santiago Bernabeu.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments