RASMI:Borussia Dortmund Oo Xaqiijisatay Booskeeda Heerka Groupyada Champions Leaque-ga Iyo Liiska Kooxaha Ilaa Hadda Soo Baxay.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, May 20, 2017

Kooxda Borussia Dortmund ayaa si rasmi ah u xaqiijisatay booskeeda heerka grouyada Champions Leaque-ga ee xili ciyaareedka 2017/18 kadib markii ay laba jeer ka soo kabsatay goolal ay Werder Bremen kaga hormartay si ay 4:3 ugu guulaysato kulan muhiimad wayn kooxdeeda u lahaa waxayna sidoo kale ka faa’iidaysatay in kooxda Hoffenheim ay barbaro garoonkeeda kula gaashay kooxda Augsburg.

Borussia Dortmund ayaa ka badbaaday in ay isreeb reeb u soo gasho heerka groupyada Champions Leaque-ga xili ciyaareedka cusub taas oo sidoo kale war fiican u ah Jurgen Klopp oo haddii ay koodiisa Liverpool kaalinta afraad ku dhamaysato aan ka hor iman doonin Borussia Dortmund oo ay markii hore suurtogal ahayd.

Dortmund ayaa noqotay kooxdii 18 aad ee si rasmi ah u xaqiijisatay booskeeda heerka Groupyada Champions leaque-ga iyada oo habeen danbe la ogaan doono kooxda kaalinta saddexaad kaga dhamaysan doonta horyaalka Premier Leaque-ga ee sida tooska ah kooxahan ugu biiri doonta.

Kooxaha Ilaa Hadda Sida Tooska Ah Ugu Soo Baxay Heerka Groupyada Champions Leaque-ga:

 

SPAIN: Barcelona, Real Madrid, Atlético Madrid

GERMANY: Bayern München, RB Leipzig, Dortmund

ENGLAND: Chelsea, Tottenham Hotspur, 

ITALY: Juventus, Roma, Nopoli( Wali lama kala bixin)

PORTUGAL: Benfica, Porto

FRANCE: Monaco, Paris Saint-Germain

RUSSIA: Spartak Moskva

UKRAINE: Shakhtar Donetsk

BELBEGIUM: Anderlecht

HOLLAND: Feyenoord

TURKEY: Beşiktaş

SWITZERLAND: Basel

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments