RASMI: Xulka Argentina Oo Go’aan Ka Gaadhay Lambarka Lionel Messi Ee No.10 Iyo Sida Ay Xaalada Messi Ee Xulka Argentina Noqon Doonto.

Kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa fasax ka qaatay kulamada caalamiga ah ee xulka qarankiisa kadib markii laga soo laabtay koobkii aduunka wuxuuna ka maqnaa liiskii xulka qarankiisa ee kulamadii dhawaan la soo ciyaaray ee Guatemala iyo Colombia.

Mid ka mid ah waxyaabihii uu xidhiidhka kubbada cagta Argentina ku sharfay Lionel Messi waxaa ka mid ahaa in kulamadii saaxiibtinimo ee todobaadyadan la ciyaaray aan la qaadan lamarkiisa 10-aad taas oo keentay in goolhayaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester United ee Sergio Romero uu dood ka keenay sababta aan loo xidhan No.10 ka Messi mar haddii uu kulan saaxiibtinimo ahaa isla markaana uu Messi maqnaa.

Lionel Messi ayaan wali la ogayn waqtiga uu ku soo laaban doono waajibaadka xulka qarankiisa laakiin waxaa la filayaa in uu soo laaban doono marka uu tartan yimaado isaga oo aan doonayn in  kulamada caalamiga ah ee saaxiibtinimo uu ka sii tirsanaado.

Marka ugu horaysa ee Lionel Messi la filan karo in uu ku soo laaban doono xulka qarankiisa Argentina ayaa ah sanadka soo socda 2019 markaas oo ay Argentina ciyaari doonto koobka qarmada South America ee Copa America oo ay labadii jeer ee ugu danbeeyay finalkiisa soo gaadheen waana waqtiga la filayo in Messi soo laaban karo.

Laakiin tababaraha xulka qaranka Argentina ee Scaloni ayaa xaqiijiyay isla markaana si rasmi ah ugu dhawaaqay in lambarka Lionel Messi ee No.10 in gabi ahaanba laga mamnuucay ciyaartoyda xulkiisa ilaa inta uu Messi go’aan ka gaadhayo xulkiisa haddii uu ku soo laabanayo iyo haddii uu sidaa kaga tagayaba.

Tababaraha xulka Argentina ee Scaloni oo ka hadlaya lambarada xulka qarankiisa Argentina iyo waxa laga yeelay No.10 ka Messi ayaa yidhi: “Inta ugu badan ciyaartoydii koobka aduunka tagtay waxay sii ilaashadeen lambaradooda, xaaladan, lambarka 10-aad ee Argentina waxaa iska leh Messi, ilaa inta uu sheegayo haddii uu uu sii wadanayo iyo haddii kale”.

Tababare Scaloni oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in Lionel Messi uu ku soo laaban doono xulkiisa si ay u wada shaqeeyaan ayaa yidhi: “Mabda’ahaan jawaab xun isaga kamaanu helin, waxaan gaadhay go’aanka ah in aanu qofna isticmaalin (N.10ka). Mustaqbalka waxaanu eegi doonaa waxa dhaca, waqti xaadirkan qofna ma qaadan karo No.10ka sababtoo ah isaga ayaa si khaas ah u leh, aniga ayaana go’aankaas gaadhay”.

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi ayaa doonaya in waqtiga kulamada saaxiibtinimo in uu awooda saaro sidii uu kooxdiisa Barcelona ugula guulaysan lahaa koobka UEFA Champions League iyo waliba koobabka kale halkii uu waqti badan ku lumin lahaa kulamo aan tartan ahayn balse waxaa la filayaa in Copa America 2019 uu soo laaban doono.