RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Spain Oo Go’aan Ka Gaadhay Garoonka Marti Galin Doona Finalka Copa Del Rey Ee Barcelona Vs Sevilla.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Feb 12, 2018

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay go’aaminta garoonka marti galin doona finalka Copa Del Rey ee xili ciyaareedkan oo ay iskugu soo hadheen kooxaha Barcelona iyo Sevilla. Xili ciyaareed kasta waqtigan oo kale waxaa soo baxda dooda ah garoonka marti galinaya finalka Copa Del Rey iyada oo aan ilaa hadda la qaadan talada ah in ka hor bilawga xili ciyaareed kasta la sii go’aamiyo garoonka lagu qabanyo finalka Copa Del Rey.

Kooxda Sevilla ayaa xidhiidhka kubbad cagta Spain u soo bandhigtay in garoonkeedu uu marti galiyo finalka ay Barcelona la ciyaari doonto ee Copa Del Rey laakiin Barcelona ayaa iska diiday taas oo soo yaraysay doorashada REFE.

Real Madrid ayaan marnaba ogolayn in kulan finalka Copa Del Rey ah oo ay Barcelona ciyaarayso lagu qabto garoonkeeda Santiago Beranabeu wuxuuna xidhiidhka kubbada cagta Spain go’aamiyay in garoonka cusub ee Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano uu marti galiyo finalka Copa Del Rey ee Barcelona iyo Sevilla.

Kooxda Atletico Madrid ayaa garoonkeeda diyaar uga dhigtay xidhiidhka kubbada cagta Spain si la mid ah xili ciyaareedkii hore oo ay Barcelona ahayd kooxdii ugu danbaysay ee koobkan ku soo qaaday garoonkeedii hor ee Vincente Calderon.

Wanda Metropolitano oo hore loogu doortay in uu marti galin doono finalka UEFA Champions League ee xili ciyaareedka soo socda ee 2018/19 ayaa markale loo doortay marti galinta finalka Copa Del Rey ee xili ciyaareedkan oo ay Barcelona iyo Sevilla ku kulmi doonaan April 21.

Garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano oo albaabada loo furay bilawgii xili ciyaareedkan ayaa qaada 67,000 kun oo daawade iyada oo kooxaha Barcelona iyo Sevilla loo gacan galin doono min 22,000 kun oo taageere ah.

Go’aaminta finalka Copa Del Rey waxa uu saamayn ku yeelan doonaa kulamo horyaalka La Liga ah gaar ahan kulaamda ay wada ciyaari doonaan Atletico Madridv s Real Betis, Sevilla Vs Real Madrid iyo Barcelona vs Villarreal iyada oo kulamadan waqtiyo kale loo samayn doono.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Abdiwaasac Hussein 13-02-2018 at 1:29 am -

    Way Asiibeen Xidhiidhku Inkastoo Aan ka jeclaan lahaa in la qiimeeyo jamahirta LOS BLONCES IYO DALABKOODII

  2. Maxamed Jananka 12-02-2018 at 9:24 pm -

    Barcelona will be win and celebrate Wanda metropolitano stadium