RASMI: Xiddigaha Man United Oo Ugu Codeeyay Antonio Valencia Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Ciyaartoyda Manchester United ayaa ugu codeeyay Antonio Valencia xiddiga xilli ciyaareedka ee Man United.

Xiddiga reer Ecuador ayaa muhim weyn u ahaa xilli ciyaareedka United, isagoo la wareegay booska daafaca midig ee Old Trafford.

Valencia oo 31 sanno jir ah ayaa booskiisa cusub ee daafaca midig waxa uu ku dhigay wacadarro iyadoo Jose Mourinho uu booskaas uga dhigay mid joogta ah.

“Waxaan oo dhan waa shaqo adag, waan ku faraxsanahay waana ka mahdinayaan hadalada tababaraha, waan ka mahdinayaa taageerada jamaahiirta iyo asxaabteyda kooxda.” ayuu yiri Valencia.

Mid kale oo ka mid ah ciyaartoyda uu Mourinho u bedelay daafac midig Ashley Young ayaa durbadiiba saaxiibkiis ugu hambalyeeyay Twitter.

Sidoo kale abaalmarinadii la bixiyay waxaa ka mid ahaa xiddiga da’ yarka sannadka ee Man United oo la siiyay Angel Gomes.

Halka Henrikh Mkhitaryan uu ku guuleystay goolkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka oo lagu siiyay goolkii uu ka dhaliyay Sunderland maalintii Boxing Day ee dibqalooca.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments