RASMI: Xeer Ilaaliyaal Dacwad Kusoo Oogay Madaxweynaha Paris Saint Germain Nasser Al-Khelaifi & Kiiska Loo Heysto Oo La Xiriira Koobka Aduunka.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Xeer ilaaliyaal kasoo jeeda Switzerland ayaa furay dacwad dambiyadeed ka dhan ah madaxweynaha Paris Saint Germain Nasser Al-Khelaifi iyadoo lagu soo eedeynayo inuu laaluush ku bixiyay sidii loo siin lahaa xuquuda baahinta kulamada koobka Aduunka.

Dacwadaan waxey xiriir la leedahay baaritaanka joogtada ah ee lagu hayo xoghayihii hore FIFA Jerome Valcke, taasoo la xiriirta in laga iibiyay xuquuqda baahinta koobka Aduunka TV-ga BeIn Sport ee uu madaxa fulinta ka yahay maalqabeenkaan reer Qatar.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii xafiiska xeer ilaalinta guud ee Switzerland (OAG) ay shaaca ka qaadeen in baaritaano kala duwan oo la xiriirta dhanka maamul xumada ay ku sameynayaan Jerome Valcke.

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaasha guud ee Switzerland ayaa lagu sheegay in maanta la furay dacwado uu ku lug leeyahay madaxweynaha Paris Saint Germain Nasser Al-Khelaifi.

“Waxaa laga shakiyay Jerome Valcke inuu aqbalay faa’iidooyin aan sharci aheyn oo kaga imaanaya ganacsade uu ku xiray waaxda xuquuqda ciyaaraha si loogu abaalmariyo xuquuda saxaafadda dalalka qaar koobabka Aduunka 2018, 2022, 2026 iyo 2030, Nasser Al-Khelaifi ayaa lala xiriirinayaa in lagu abaalmariyay xuquuqda baahinta dalalka qaar koobabka aduunka 2026 iyo 2030”

Si kastaba ha ahaatee Nasser oo haatan isku duba riday mid ka mid ah kooxaha ugu awooda badan qaaradda yurub ayaan wali ka jawaabin.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments