RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Kulamadii Lugtii Labaad Ee Siddeed Dhamaadka Champions Leaque-ga Iyo Kooxaha Ciyaartoyda Ugu Badan Ka Helay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u soo saartay ciyaartoyda ay ka samaysay shaxda kooxdii ugu fiicnayd kulamadii lugta labaad ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga ee la ciyaaray talaadadii iyo arbacadii. Kooxaha Bayern Munich, Barcelona, Borussia Dormund iyo Leicester City ayaa tartankan laga cidhibtiray waxaana soo baxay kooxaha Real Madrid, Juventus, Ateltico Madrid iyo AS Monaco.

UEFA ayaa shaxdan ku salaysa qiimaynta ciyaartoyda ee kulamada laga ciyaaro Champions Leaque-ga iyo waliba dhibcaha ay qaab ciyaareedkooda kaga helaan UCL Fantasy. Kooxda Juventus ayaa shaxdan ka heshay saddex ciyaartoy waxaana ugu jira Dani Alves, Bonucci iyo Alex Sandro waxaana afarta difaaca ah la buuxiyay Gerard Pique oo Barcelona ka tirsan.

Kooxda AS Monaco ayaa shaxdan ka heshay laba ciyaartoy waxayna kala yihiin Thomas Lemar iyo Kylian Mbamppe waxaana dhexda la buuxiyay Saul Neguez oo Ateltico Madrid shaxdan ku matalaya. Waxaana saddexda weerarka buuxiyay Marco Rues oo Dortmund ka tirsan, Robert Lewandowski oo Bayern Munich ah iyo Cristiano Ronaldo oo dhibcaha ugu badan shaxdan ka helay isla markaana Real Madrid guul ku hogaamiyay.

Waxaa shaxdan goolka ugu jira goolhaye Ter Stegen oo Barcelona ka tirsan kaas oo kulankii lugtii labaad ee Camp Nou Juventus u diiday in ay wax gool ah dhaliyaan isaga oo waliba weeraro deg deg ahaa oo Old Lady goolal ku dhalin kartay beeniyay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments